Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Qaraxii Djibouti

0
546

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarka lagu qaadya makhaayad ku taallay Djibouti habeenkii Sabtida, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan sadex qof. Afhayeenka Al-Shabaab oo shalay saxaafada la hadlay wuxuu sheegay inay iyagu weerarkaas fuliyeen. Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa loo malaynayaa in ay yihiin kuwii is qarxiyay. Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ahaayeen ajenabi.Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay bartilmaameed u ahaayeen quwadaha Faransiis iyo reer galbeed kale sababo la xidhiidha falalka ay ka gaystaan dalalka Muslim-ka ah ee Africa.

Djibouti ayaa ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa Midowga Africa ee jooga Soomaaliya oo la dagaalamaya Al-Shabaab.