Akhriste, Ma Og Tahay?!

0
620

Hargeysa (Geeska)- Waa qormo kooban oo ah aqoon korodhsi uu Wargeyska Geeska Afrika ugu talogalay akhristayaashiisa sharafta badan, waxa uu Geesku Qormadan ka soo xigtay shabakadda wararka ee Russia today.

1. Akhriste, ma ogtahay! in dayaxu uu 400 oo jeer lab ka yar yahay qorraxda, marka la isbarbar dhigo masaafada ay dayaxa iyo dhulku u jiraan qorraxdana uu dayaxu 400 oo jeer laab dayaxu dhulka uga dhow yahay qorraxda, taasina ay tahay innaga oo dhulka joogna ay qorrada iyo dayaxu inoola muuqdaan in ay is le’eg yihiin.

2. Akhriste, ma ogtahay! In shimbirka guumaysta loo yaqaanno aanay indhihiisu sida noolaha kale war-wareegin ee meel qudha taagan yihiin, ma’se ogtahay in dhibtii war-wareeg la’aantaas ka iman lahayd uu Alle (SWT) ugu beddelay in ay awood u yeelato in madaxa oo dhan ay afarta jiho u wareejin karto iyada oo jiho keliya u jeedda oo aan jidhkeeda kale dhaqaajin.

3. Akhriste, ma ogtahay! Ma ogtahay in ilmuhu marka uu dhasho uu ku abuuran yahay xiise gaar ah oo ay u qabaan dabbaasha, iyaga oo 4 illaa 6 bilood ee u horreeya cimrigiisa uu xiisahaasi ku abuurnaado laakiin si tartiib-tartiib ah uu xiisahaasi isaga dhammaado, haddii aan looga faa’idayn in loo sii xoojiyo.

4. Akhriste, ma ogtahay! in qiyaas ah boqolkiiba 2.84 dadka dunida ku dhintaa ay yihiin kuwo iyagu si badheedh ah isu dilay, halka boqolkiiba 3.15 ay yihiin dad u dhinta shuban.