Akhrisku Waxa Uu Qofka Baraa Bulshaawinimo Iyo Kalgacal Waxa Aanu Furfuraa Maskaxda Iyo Fahamka

0
1731

Washington (Geeska)- Haddii aad tahay gashaanti ku hawlan xulashada saygii ay mustaqbalka qoysnimo la wadaagi lahayd, waa in aad xisaabta ku darsataa in uu noqdo nin wax-akhrisku balwad u yahay. Sababta aynu gabadha oo keliya u xusnay waa xaqiiqada jirta ee ah in dumarku aad uga cawdaan odayaasha oo akhriska kaga mashquula waqtigii ay qoyska la qaadan lahaayeen.

Waa run in dadka akhriska badani ay inta badan u muuqdaan dad aan bulshaawiyiin ahayn, gaar marka uu buug u socdo ama akhriska ay ku dhex jiraan oo laga dareemo in ay bulshada ku xeeran aad uga xidh-xidhmeen. Laakiin waxaa muhiim ah in aad ogaato in cilmi ahaan loo caddeeyey in wax akhrisku uu qofka ku beero naxariis iyo kalgacal dheeraad ah.

Haddii bilowga aynu xusnay gaadha guur meerka ahi in ay ka warhayso ninka wax-akhriska badan, macnuhu ma’aha in wax-akhrisku ragga oo keliya ku habboon yahay. Cilmibaadhis dhowaan natiijadeeda lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa caddaynaysa in dadka akhriska badan ee gaar ahaan akhriya suugaanta iyo buugaagta hal-abuurka xambaarsani ay yihiin kuwa ugu badan ee dabeecaddoodu isu beddesho mid galangal bulsho leh marka la barbar dhigo ragga iyagu caadada u leh in ay waqti badan ku qaataan daawashada Talefishanka ama hawlaha kale waqtigooda ku qaata.

Buuggaagta hal-abuurka ah sida suugaanta, masraxiyadaha iwm ayaa ay xeeldheerayaasha cilminafsigu qireen in ay si weyn uga qaybqaadasho wax ka beddelka hab-dhaqanka qofka oo ay inta badna wanaajiyaan.

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay in akhriska buugaagtu ay qofka maskaxda u furto, awoodna u yeesho in aanu noqon qof shay kasta dhankiisa oo keliya ka eega oo ku dheggen, balse aqbali kara in uu dhinaca dadka kale ka eegayaanna uu ka arki karo, dulqaadna u leeyahay in uu ugu yaraan dhegeysan karo.

Waxa kale oo uu akhrisku maskaxda qofka u diyaariyaa in ay dhugmo yeelato, isla markaana u maskax furnaato fahamka dadka kale iyo garashada ama qiyaasidda heerkooda kalgacal. Khubarada qaarna waxa ay sheegaan in xitaa qofku awood u yeesho in uu akhriyi karo dareenka qarsoon ee qofka iyo in uu indhihiisa ka fahmi karo waxa uu maaggan yahay ama in badan oo ka mid ah waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya.