Akhri Oo Ha Qoslin

0
1446

Hargeysa (Geeska)- Qisadan Madayska ah oo uu Geeska Afrika ka soo turjumay afka carabiga ayaa uu akhristayaashiisa kula wadaagayaa qormadan:

Jaaxid oo ahaa nin Carbeed oo ku caan baxay sheekooyinka qosolka ah, waxa lagu xaman jiray fool xumo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Jaaxid oo aan laga qarsan jirin fool xumadiisa waxaa la weydiiyey bal in uu ka waramo qisaska fool xumidiisa la xidhiidha ee soo maray; waxa aanu ku jawaabay, “Waxa ay igu yaab badnayd maalin, Aniga oo taagan gurigayga albaabkiisa, ay ii timi gabadhi. Waxa ay igu tidhi, “Dan ayaa aan kuu leeyahay ee kaalay I raac”. Jaaxid waxa uu yidhi, “Markii aan gabadhii raacay waxa ay Ii geysay Nin dahable ah (tumaal Dahabka sanceeya), kadib inta ay i hor istaajisay ayaa ay ninkii dahablaha ahaa ku tidhi, “Kan oo kale” Kadib waa ay iskaga kay tagtay.

Jaaxid waxa uu yidhi, “Aniga oo yaabban ayaa aan ku idhi ninkii dahablaha ahaa, “Waar maxay u jeeddaa gabadhu?” Waxa uu igu jawaabay, “Gabadhani waxa ay iga iibsatay dahab, waxa aanay iga dalbatay in aan ugu sawiro dahabka dushiisa Shaydaan. Markii aan u sheegay in aanan anigu arkin sida Shaydaanku u eeg yahayna, waxa ay igu tidhi aniga ayaa ku tusi sida uu u eeg yahay ee igu sawir. Kadibna adiga ayaa ay ii kaa keentay.”