Akhri Masuuliyiinta Uu Xisbiga U Magacaabay Cabdiraxmaan-Cirro

0
656

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay sameeyay magacaabis iyo isku shaandhayn xisbiga dhexdiisa ah.

Qoraal uu Md. Cirro soo saaray ayaa u dhignaa sidan

Markaan daresay:                                   Qodobka 30aad faqraddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI     

Markaan arkay:                            Baahida loo qabo in Xisbiga lagu sameeyo Isku-shaandhayn

Markaan la tashaday:                                Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay: Kartida iyo Aqoonta ay leeyihiin Xubnaha hoos ku xusani.

Wada-tashi Ballaadhan oo ay yeesheen Hoggaanka, Guddiga Fulinta, Xoghayeyaasha, Masuuliyiinta Gobollada iyo taagerayaasha Xisbiga waxa la isku raacay in la dardar-geliyo hawlaha Xisbiga; maadaama ay dalka ku soo fool leedahay doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland sannadkan 2017, waxaana masuuliyiintan kala duwan ee xisbig lagu sameeyey isku-shaandhayn iyo magacaabis. 

Waxan ilaahay uga baryeynaa in uu masuuliyiintan u dhib-yareeyo hawlaha shaqo ee Xisbigu u xil-saaray, waxanan kalsooni ku qabnaa in ay hormood ka noqdaan guul Xisbigu ka soo hooyo doorashada Madaxtooyada iyo sidii isbeddel caddaalad iyo horumar ku dhisan looga hir-galin lahaa dalkan Somaliland.