Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Oo Loo Eryey Khilaaf Soo Dhexgalay Wasiirka Iyo Murannada Soo Noqnoqday Ee Wasaaradda

26
3494

Hargeysa (Geeska)- Maalintii shalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta. Mudane Cali waxa uu xilkan hayey muddo afar bilood ka yar ayaa la sheegay in sababta uu xilkiisa ku waayey ay tahay khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay isaga iyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta, mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Guri-Barwaaqo.

Warar uu Geeska Afrika ogaaday ayaa sheegaya in labada masuul khilaafkooda ugu weyni uu salka ku hayey muran ka dhashay dhinaca awoodaha maamul. Gaar ahaan markii uu agaasime Cali u arkay in wasiirku uu awoodihiisii sharciga ahaa ka wareejiyey.

Agaasimaha oo si gaar ah uga hadlaya agaasime waaxeedka maamulka iyo lacagta oo ah masuulka uu u arkayey in uu xilkiisa la wareegay ayaa warqad uu qoray subaxnimadii isla maalintii xilka laga qaadi doono waxa uu ku tiriyey qodobbada isaga xilkiisa ka midka ahaa ee uu kaga cabanayo in agaasime waaxeedku la wareegay, waxa aanu ugu yeedhay in uu hor yimaaddo kulan uu sheegay in sabtida 4ta Ogos ay isugu iman lahaayeen guddiga anshaxa oo uu isla isagu madax u yahay, sida uu qoraalka ku sheegay.

Qodobbada uu agaasimaha xilka laga qaaday Mudane Cali Maxamed Cali ku sheegay warqaddiisana waxaa ka mid ah:

In uu shaqaale farabadan ka joojiyey mushaharka, si aan sharciga waafaqsanayn, in aanu agaasimaha guud la socodsiin kharashaadka ku baxay alaab la soo iibiyey, mishiin laydh oo uu agaasime Cali sheegay in ogaanshiyo la’aantiisa lagu soo iibiyey, dab-dhaliye (Mishin) iyo kamaradaha la socoshada oo wasaaradda lagu rakibay. Su’aalihii uu ka keenayna jawaab laga siin waayey. Iyo in agaasime waaxeedku uu dad shisheeye ah la galay heshiis ay wasaaradda qol ugu dhisayaan, lacag horumarin ahna uu siiyey isaga oo aan agaasimaah guud kala tashan.

Waxa kale oo uu mudane Cali Maxamed agaasime waaxeedka ku eedeeyey in uu shaqaalaha u hanjabo, in uu fasaxyo qaatay isaga oo aan agaasimaha guud marin, iyo arrimo la mid ah.

Agaasime Cali Maxamed Cali waxa uu noqonayaa agaasimihii labaad ee wasaaraddaasi yeelato muddadii uu xilka hayey wasiir Cabdiraxaam Guri Barwaaqo oo ah 7 bilood. Waxaa ka horreeyey agaasime Xasan Cumar Hoorri oo uu xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee Somaliland, laakiin saddexdii bilood ee hore xukuumadda Madaxweyne Biixi ka sii mid ahaa. Warar markaas soo baxayna waxa ay tilmaameen in sababta eriga agaasime Hoorri oo ahaa ruugcaddaa saxaafadda iyo xilalka maaraynta ee agaasimenimo labadaba lagu yaqaannay, ay la xidhiidhay khilaaf dhinaca maamulka lacagta iyo shaqaalaha ah oo soo dhexgalay isaga iyo wasiirka.

Laakiin maadaama oo uu Mudane Hoori xukuumaddii hore ka tirsanaa, xil ka qaadistiisu waxa uun ay rayulcaamka ugu tirsanayd isbeddelka maamul ee dalka. Waxa se jirtay in intii aanu agaasime Hoorri xilka bannayn uu khilaaf kale oo miisaan lahaa uu ka dhex qarxay wasiirka warfaafinta iyo hawlwadeennadii ugu badnaa ee wasaaradda, gaar ahaan dhinaca warfaafinta oo ahaa wariyeyaal iyo barnaamij soosaarayaal kala duwan.

Isku shaandhayn uu wasiirku ku sameeyey wasaaradda, iyo hawlwadeennadii oo u arkay in ay tahay arrin uu wasiirku ku kala raacay laba garab oo wasaaradda ka jiray, khilaafkaas oo bannaanka u soo baxay, labada dhinacna hadallo kulul is weydaarsadeen ayaa mar dambe lagu xalliyey dadaal uu qayb muhiim ah ka ahaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaarke Geelle.

Wasiirka iyo agaasimaha xilka laga qaaday oo aanu isku daynay in aanu ogaanno waxa dhacay iyo dareenkooda arrinantan ku aaddan, laakiin nooma ay suurtagelin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here