Agaasimaha Xarunta Cilmi Baadhista Dhaqanka Iyo Xidigiska Oo Ka Hadlay Cilmi Baadhis Ay Sameynayaan

0
1113

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha Xarunta Cilmi baadhista dhaqanka iyo xidigiska Somaliland Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf ayaa ka war bixiyey xaruntan oo uu sheegay in dhawaan si rasmiya loo furi doono, waxaanu tilmaamay inay sameeynayaan cilmi baadhis dheer oo ku saabsan xidigiska iyo sidii loo heli lahaa loona isticmaali lahaa kalandarka ama tirsiga Somalida,  waxaanu sheegay inay dalka iskugu iman doonaan shanta Somaliyeed iyo khubaro ku xeel dheer xidigiska lana lafa guri doono sidii loo hirgelin lahaa barnaamujkan.

Agaasimaha Xarunta Cilmi baadhista dhaqanka iyo xidigiska Somaliland Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf oo waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada safar uu sheegaya inay ku tagi doonaan qaar ka mid ah Gobolada dalka, gaar ahaan Gobolada Barri, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xarunta Cilmi Baadhista Dhaqanka iyo Xidigiska Somaliland, dhawaan ayaa lagu daah-furi doonaa Magaalada Hargeysa haddii Rabi xukumo, xaruntan waxa ka Guddoomiye ah Axmed Cali Garas (Ma-qaloocshe), aniguna Agaasime ayaan ka ahay, dhawaan ayaanu u bixin doonaa haddii ALLE idmo Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, marka ay cilmi baadhistaasi soo dhammaato ayaanu Hargeysa ku soo noqon doonaa haddii ILLAAHAY yidhaah, waxa lagu daah-furi doonaa barnaamuj dood ah, oo ka horeyn doona xadhig ka saristiisa, oo khuburo aqoonyahan ah oo cilmigan aqoon u lehi ayaa iskugu iman doona, shanta Somaliyeedna waa la iskaga iman doonaa Somaliland, Jabuuti, NFD, Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Somaliya, waxa lagu lafa guri doonaa sidii uu I iman lahaa barnaamujkan cilmi baadhiseed ee kal tirsiga Somalida, kadibna furitaanka xaruntan cilmi baadhista dhaqanka iyo xidigiska Madaxweynaha ayaa ka soo qayb gali doona oo haddii ILLAAHAY yidhaahdo xadhiga ka jari doona”. 

Agaasimaha Xarunta Cilmi baadhista dhaqanka iyo xidigiska Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Barnaamujkan ayaana markii ugu horeeysay laga fulin doonaa Somaliland,waxa ka soo qayb gali doona shanta Somalida, Aqoonyahano cilmi u leh cilmiga xidigiska iyo kaalandarka Af Somaliga, kaalandarkana waa kaalandar muhiim ah oo lagaga raysan doono kalandarka aynu haysano maanta ee Latinka ah, mashruucan balaadhan waxa maalgalisay Wasaaradda Maaliyadda”.