Agaasimaha SONYO Oo Si Weyn Dalka Loogu Soo Dhaweeyey Kana Waramay Kulamadii Guriga Cad

0
689

Picture4Hargeysa (Geeska)- Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ugu maqnaa waddanka Maraykanka ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimadda Somaliland.

Waxa Agaasimaha SONYO Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha oo uu hor kacayay Agaasimaha Guud Md.Maxamed Xuseen Dhabeeye, Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md.Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku Xigeenka SONYO Md.Mustafe Maxamed Daahir, Agaasimaha Dalladda SONSAF Md.Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani, Xubno ka socday Golaha sare ee SONYO, masuuliyiin kala duwan oo iyaguna ka kala socday Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah.

Ugu horayntii waxa hakaas ka hadlay Md.Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ee mudada ka hawl galayay Ururada Bulshada, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed waxa uu qabtay wax dhammaantayo na farxad geliyey. Waan ku faanaynaa waxaanan dalkeena tusnay in dhallinyaradu maanta gaadhay meeqaamkii ay dalkan ku hogaamin lahayd. Markii aan warbaahinta ka daawaday in Agaasimaha SONYO guriga cad ee Maraykanka kula kulmay saraakiisha ugu sarraysa dalka Maraykanka oo uu ugu bal ballaadhiyey qaddiyadda Somaliland. Tallaabadaasi waa mid dhaxal gal ah waanan ku ammaanayaa Siciid iyo Guud ahaan SONYO”

Agaasimaha Fulinta dalladda ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF) Md. Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) oo isaguna sheegay in Sonyo ay ku guulaysatay inay gayso garnaqsiga qadiyada Somaliland aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha dalladda SONYO Md.Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa mahad naq ballaadhan u soo jeediyey dhammaan dhallinyarada sida weyn u soo dhaweeyey agaasimaha SONYO isaga oo sheegay in Siciid Maxamed Axmed, Agaasimaha Fulinta SONYO safarkiisu ahaa mid guul taariikhi ah u soo hooyey qarankeena loona baahan yahay in dhammaan dhallinyarada dalkeenu sidaa iyo si la mid ah aan dadaalka u sii wadno isaga oo wax lagu farxo ku tilmaamay in SONYO.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed ayaa isna sheegay in SONYO iyo wasaaraddu yihiin ul iyo diirkeed, dhammaan dadaalada ay waddo SONYO-na yihiin kuwo ay wasaaraddu la socoto oo ay ku barbar taagan tahay una arkaan dallad ay ku bahoobeen in ka badan dhawr iyo Konton urur dhallinyaro oo dalka oo dhan ka dhisan taasina tahay ta keenaysa in ay wada shaqeeyaan.

Md. Siciid Maxamed Axmed waxa uu mahad naq ballaadhan u soo jeediyey dhammaan dadkii shalay sida weyn ugu soo dhaweeyey dalka isaga oo xusay in safarkiisii Maraykanku guul ku soo dhamamaday. Agaasimaha SONYO waxa uu xusay in uu aqalka Cad ee Maraykanka kula Kulmay Mudane Grant Harris oo ah La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Barack Obama u qaabilsan Arrimaha Siyaasada Qaarada Africa iyo saraakiil sare oo Guriga Cad ka tirsan isaga oo sheegay in uu kala hadlay saddex arrimood oo kala ah: Waxa Dawladda Maraykanka iyo siyaasadda Obama uga meel yaalla Somaliland, maadaama Somaliland tahay dal dimuquraadi ah in ay Madaxweyne Siilaanyo ku soo marti qaadayaan kulan la sheegay in Maraykanku ku soo casuumi doono Madaxda dalalka Afrika ee dimuquraadiga ah iyo in dawladda Maraykanku si cad ula shaqayso Somaliland marka laga yimaad deeqaha kooban ee ay Somaliland ku caawiyaan, waxaanu agaasimaha SONYO xusay in dhammaan arrimihii uu madaxda Maraykanka kala hadlay ay si weyn isugula fahmeen aadna Maraykanku uga garaabayo qaddiyadda Somaliland. Mudadii Agaasimaha SONYO dalka Maraykanka Joogay waxa kale oo uu kulamo kala duwan la yeeshay Haweenayda Guddoomiyaha u ah Guddi-hoosaadka Koongareeska Maraykanka u qaabilsan Afrika, Xuquuqda aadamaha iyo arrimaha xidhiidhka caalamka, waxa kale oo uu agaasimaha SONYO kulamo kala duwan la qaatay, Masuuliyiin ka socotay aqalka odayaasha Maraykanka, saraakiisha ku dhawaad toban jaamacdood oo waaweyn, xarumaha daraasaaadka iyo siyaasadda ee Maraykanka iyo goobo kale oo aad u badan oo dhammaantood uu ka jeediyey khudbado uu kaga hadlay xaaladda dhaqan dhaqaale ee Somaliland.