Agaasimaha Guud Ee W. Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray Koronto Uu Yeellan Doonno Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa

0
454

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye ayaa xadhiga ka jaray mashruuc koronto oo Cusbitaalka guud ee Hargeysi si gaar ah u leeyahay, waxaana munaasibadii furitaankan oo shalay ka dhacday Hoolka Cisbitaalka weyn ee Magaaladda Hargaysa, munaasabaddaas oo ay ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Cisbitaalka Hargeysa, Ha’yada Qaramadda Midobay ee UNOPS Iyo Midawga Yurub.

1

Munaasibaddan,ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Hargaysa Dr Axmed Cumar Askar waxaana uu ka xog waramay doorka uu laydhkan gaarka ah ee Cusbitaalku ka qaadan-doonno hab-sami-u-socodka adeegyadda kala duwan ee uu Cusbitaalka Bulshadda u hayo, waxa uu sheegay inay markii hore ay is-ticmaali jireen Laydhka Magaaladda u-baxa, kaas oo kharash badan ku keenni jiray Cusbitaalka oo ay aad ugu adkayd inay bixiyaan,balse waxa uu tilmaamay ka dib dedaal dheer oo ay galleen Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiinta madaxtooyadda oo kaashanaya Haay’addaha ay waddo-shaqaynta leeyihiin in ugu denbeyntii lagu guulaystay in Cisbitaalka loo helo Koronto gaar ah, waxaana uu usoo jeediyay shaqaale-weynaha Cisbitaalka in la-dhaqaaleeyo laydhkaas oo ay masuuliyad dheeri ah iska saaraan.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Saleebaan Jaamac Diiriye, oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa  sheegay in Waftigan ka yimid EU-da uu soo dhaweynayo, isaga oo tilmaamay waxtarka ay nidaamkan koronto ee cusub ee Csbitaalku yeellan doonaa ka bedeli doonto adeegyaddii caafimaad ee uu Cusbitaalka samayn jiray. Waxaanu rajo ka muujiyay inay sii socon doonto Kaalmadda Midawga Yurub uu ku taageerayo Baahiyaha Cisbitaalka oo aanay tani noqon tii ugu denbaysay. Agaasime Saleebaan waxa uu u soo jeediyay shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala Cusbitaalka in ay xannaaneeyaan laydhkaas isla markaasna lagu baraarugo qiimaha uu shaqadda u leeyahay.

Ugu deyntii,waxa halkaas ka-hadlay Xubno ku hadlayay magaca Midawga reer YURUB iyo Haay’ada qaramadda Midoobay ee UNOPS, waxaanay ammaaneen shaqadda ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Cusbtaalku u hayaan Shacabka, iyagga oo hoosta ka xariiqay in aanu mashruucani ahayn kii kowaad ee ay Somaliland ka hirgeliyaan, balse ay jiraan qaar badan oo kale, isla markaasna ay soo waddaan Mashaariic kale oo lagu horumarinayo Kaabayaasha Nolasha ee Bulshadda.