Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Fulinta Go’amada Maxkamadaha

0
1874

 

blackHargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Xuseen Cige  ayaa ka hadlay arrimaha muranka dhulka iyo fulinta go’aamada ka soo baxa maxkamadaha dalka, isaga oo sheegay inay jiraan dad aan wali fahmin qaabka fulinta go’aanka heer maxakamadeed. Sidaas wuxuu ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa.

 

Agaasimuhu wuxuu  sheegay in dhibka ugu badan ee haatan dalka Somaliland ka taagani uu yahay arrimaha muranka dhulka isaga oo arrimahaas ka hadlayna waxa uu yidhi “Shirkan aanu iskugu kiin yeedhnay wuxuu ka hadlayaa dhinacyada nabad galyada oo baryahan danbe ay jirtay in dawladu ay culays saarto inay wax ka qabato dhinacyada nadaafada, nabad galyada, fulinta go’aamada ay maxkamaduhu gaadhaan oo aad moodo in aanay dadkeenu inta badan fahmin amase ay u qaataan waxay sameeyaan in aanu dhibaato keenayn. Dhibaatooyinka ugu badan ee wakhtigan dalkeena ka jira waxaa ka mida is qabsiga iyo muranada la xidhiidha arrimaha dhulka. Dacwadaha noocaas ah ee muranka dhulka ka mid yahay waxaynu u samaysanay maxkamado kala sareeya oo dadka u gar naqa. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa gari laba nin kama wada qosliso, macnaheeduna yahay haddii dacwada la galo cid uunbaa helaysa”

Agaasime Cabdilaahi Xuseen Cige waxa uu ugu baaqay dadweynaha Somaliland meel kastoo ay joogaan inay u hogaansamaan fulinta go’aamada heer maxkamadeed, waxaanu yidhi mar kale “Dadweynaha reer Somaliland waxaanu ka codsanaynaa oo aan ku cel celinaynaa inay ogaadaan in go’aanada dacwadahaas ka soo baxa soona maray intaas oo heer oo maxkamadeed inay dawlada waajib ku tahay inay fuliso go’aamadaas, taas oo ka mida waajibaadka dawlada loo igmaday. Sidaas darteed waxa dadweynaha laga codsanayaa inay u hogaansamaan fulinta shuruucda ka soo baxa hay’addaha garsoorka ee dalkeena, inaga oo og in aynu ku nool nahay mandaqad xaasaasi ah oo ay ku xeeran yihiin duruufo xasilooni daro”

Geesta kale agaasimaha ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay bilawday olole ay ku banaynayso hareeraha wadooyinka, gaar ahaana goobaha ganacasiga ee sida foosha xun looga hor dhiso laamiyada hareerahooda, waxaanu yidhi ugu danbayn “Haddaba waxay wasaaradda arrimaha guduhu iyada oo kaashanaysa ciidanka booliska, dawladda hoose, dadweynaha iyo cid kasta oo wax ka taraysa xilkeeda qaran ee loo igmaday, waxaana bilaabmay hadda kuwii ugu horeeyeyna dhaqan galeen fulinta go’aanada maxkamaduhu ay soo saaraan iyo hadii ay tahay banaynta dhulka danta guud ah. Sida aad ka war qabtaan ee hadaba ka socota suuqa gobanimo oo la banaynayo oo bilicda magaalada iyada oo wax laga taraayo. Waxaa ka mida waxyaabaha ugu badan ee ay dhibaatadu ka jirto dooxa Hargeysa oo iska ragooyinka dooxa ka qaada ciida oo qayb ka ah dhibka, iyagana go’aamo  ayaa ka soo bixi doona si aanu dooxa Hargeysi dhibaato badan dadka ugu gaysan lagana mabnuuco oo meelo ku haboona loo cayimo.”