Agaasimaha Fulinta NAGAAD Oo Ka Qayb Gashay Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay New York

0
622

Picture5Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha fulinta ee dallada haweenka Somaliland ee NAGAAD Marwo Nafiisa Yuusuf, ayaa ka hadashay shirweyne arrimaha haweenka lagaga hadlayay oo ay kaga qayb gashay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay. Agaasimaha fulinta ee NAGAAD, intii ay shirkaas joogtay waxay la kulantay masuliyiin uu ka mid yahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon, safiiro iyo diblomaasiyiin kale.

Shirweynahaas waxa ka qayb galay ururada aan dawliga ahayn iyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha haweenka, waxa ka qayb galay 6000 oo ergey oo ka kala yimid 80 wadan, waxaana Somaliland u metelayay shirkaas dallada NAGAAD oo ay ka socotay Marwo Nafiisa Yuusuf. Agaasimaha fulinta ee NAGAAD oo dhawaan shirkaas uga warantay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa waxay sheegtay in lagaga wada hadlay sidii ay haweenka dunidu door uga ciyaari lahaayeen mustaqbalka wadamadooda. “Waxa si gaar ah looga dooday Millennium Development Goals – MDGs (Hadafyada Horumarka Qarnigan) taasoo mid ka mid ah sideediisa tiir uu si gaara uga hadlayay xoojinta kaalinta haweenka. MDGs-ka waxa loo sameeyay si uu u noqdo mawduuc xoogan oo lagu gaadhayo hadafyada loogu baaqay aduunyada. Sanadkan waxa mudnaanta la siiyay in  halku dhIg laga dhigto “caqabadaha iyo horumarka laga sameeyay fulinta hadafyada horumarka ee qarniga lana xidhiidha haweenka.” Ayay tidhi Mawo Nafiisa, waxaanay intaas raacisay,  “Shirka waxa kale oo lagu falanqeeyay qaraaro iyo iyo mucaahadooyin hore dunidu u meel marisay taasoo la eegayay sida ay dhaqangal u noqdeen waxaana ka mid ah Qorshihii Bijiin, mucaahadadii tirtirida dhamaan noocyada takoor ee ka dhankaa haweenka iyo shirar kale oo kuwaas daba socday.”

Nafiisa Yuusuf, oo shirka u metalaysay Jamhuuriyadda Somaliland, “Nagaad waxay halkaas ku soo bandhigtay guud ahaan horumarka ka jira Somaliland ee faa’iidada u keenay haweenka iyo gaar ahaan waxqabadka ururada bulshada iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta iyo xoojinta kaalinta haweenka.” Sidaas ayay tidhi Nafiisa oo Geeska Afrika uga warantay qorsheyaasha ay shirkaas la tagtay, waxaanay intaas raacisay,  “Kutalagalka Nagaad ee shirkaa waxa ka mid ahaa qoraaalo iyo cilmi-baadhisyo hore loo soo diyaariyay oo loogu talo galay in la faafiyo xaalada haweenka Somililand oo ay ku jirto horumarka la gaadhay iyo waxyaabaha u baahan in la iska kaashado.”

Agaasimaha NAGAAD, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo diblomaasiyiinta kale ee ay la kulantay waxay kala hadashay taageerista doorka haweenka Somaliland.