Agaasimaha Cibsitaalka Hargeysa Oo La Sheegay In Xilka Laga Qaadayo Iyo Masuulka Lagu Bedelayo

0
1360

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa la sheegay in la filayo in xilka laga qaado, iyadoo xilkiisa loo magacaabi doono masuul kale.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu toddobaadkan kulan la yeeshay agaasime Askar, oo uu ku wargeliyay in xilkiisa loo magacaabi doono Dr. Yaasiin Carab oo mar sii horaysay soo noqday agaasimaha cisbitaalkan, waxaana la sheegay in Madaxweyne Biixi uu Dr. Askar u sheegay inuu uga mahadcelinayo dedaalka uu geliyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Lama garanayo jawaabta uu Dr. Askar ka bixiyay soo jeedinta Madaxweyne Biixi ee in xilkiisa loo magacaabi doono masuulkii uu isagu hore xilka ugala wareegay.

Weli may soo bixin xil ka qaadista agaasime Dr. Askar iyo weliba magacaabista Dr. Carab, laakiin waxa la filayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u soo baxdo.

Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa mudadii uu ahaa agaasimaha cisbitaalka Hargeysa waxa lagu ammaanaa waxyaabo badan oo horumar ah oo ku soo kordhay cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa kale oo lagu ammaanaa sida uu u caawiyo dadka reer Somaliland ee ay baahida caafimaad hayso ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka cisbitaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here