Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Oo Ka Hadlay Salaadiin Muqdisho Tagtay, Baaq Nabadeedna Diray

0
577

Hargaysa (Geeska )- Afhayeenka  Salaadiinta  Somaliland  Suldaan Yuusuf  Muxumed Xiiray  ayaa  baaq nabadeed u  diray   beelaha walaalaha ah  ee  dirirtu  ku  dhex martay  Dharkayn-geenyo, waxaanu sidoo kale ka hadlay Salaadiinta u  hanqaltaagaya Xamar  kuna  tilmaamay   kuwo  khiyaamo  qaran  samaynaya.

1

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo warbaahinta shalay la hadlay ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera oo uu soo dhaweeyey, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dharkayn-geenyo waxaa ka  dhacay dhibaato   weyn  laba beelood oo walaalo  ah   oo hehela oo isku  guriya oo isku ooda  oo inan iyo abtigiiya ayey diriri  ku dhex martay  waxaan ugu  baaqayaa inay   collaada joojiyaan oo ay wada hadal ku  dhameeyaan  ummada dhimatayna ilaahay  ha u  naxariisto inta dhaawacantayna   ilaahay  waxaan uga baryayaa inuu  caafimaad siiyo bogoodana  burcad isku  mariyo wanaaga iyo sharafta tuso  dawlada Somaliland ooiyaguna ku  dhawaaqday  inay  ka  hawl  gasho  cuqaasha iyo madaxdhaqameedka meelkasta oo  ay  joogaan  waxaan ugu  baaqayaa inaan ka  hawl galo  oo  bishaa ramadaan  dadkaa dhex galyo  oo nabada kusoo  dabaalo”

Suldaan Xiiray ayaa mar uu ka hadlaayey Dekadda Berbera wuxuu yidhi “Dekadda Berberi waa Deked caalamiya  Dubia oo kale  ayey  noqonaysaa   waa raasamaalka dhabta  ah  ee  inoo  hadhaya ninkasta oo inaga  kireysaa  wuu iska  tagayaa   ganacsibaa  laga helayaa  shaqaalaa laga helayaa   marsada  ganacsi ayey   noqonaysaa  anigoo  af-hayeenkii  dhaqanka  ahna waan soo  dhaweynayaa  waxaan  idiin  sheegayaa inay   faa’iido  inoo  tahay  waa heshiis wanaagsan  waa heshiis nabadeed   dadka degaana waa dad wanaagsan  oo  jecel   qaranka iyo  horumarka”.

Sudaan Xiiray mar uu ka hadlaayey Salaadiinta u hanqal taagaya Xamar ayaa yidhi “Xamar  ma  dawladbaa  joogta  anagu  ma  tagayno  shaqana kuma  lihin   sulaadiinta  soo  xulayaana waa sulaadiintii  hore ba u soo  xushay  ee 60ka ahaa  suldaan la doortay  iyo  mid caana  boodhe  lagu  shubayba way  jiraan  laakiin  anagu  shaqo  kuma lihin  tagina  mayno  shaqana  kuma  lihin  shir na  quseeya  oo Somaliland meel kazoo  galena  maaha  ninka suldaana ee madax dhaqameeda ee halkaa tagaana  ee ka qayb galaana waa nin   ummada Somaliland iyo qaranka somalilandba  meel  kaga  dhacay  Somaliland-na  wax kiish  la  galiyo  ama salad lagu  qaado ka weyn  “gojoxo geel  wax la qariyo  ka  weyn” Somaliland way  ka  weyntahay  wax nin meel  la istaago  oo yidhaa somalilandbaan  ahay”