Afgembiga Dhicisoobey: Buug Xiise Badan Oo Ka Warramaya Afgembigii Fashilmay Ee Turkiga Shirqoolkii Turkiga ka dhacay iyo dhinacyadii ku lug lahaa

0
843

Hargeysa (Geeska)- Buugga Afgembiga Dhicisoobey – Qisada shirqoolkii ka dhacay Turkiga – oo dhowaan soo baxay waxa uu maalmihii u dambeeyey aad uga dhex muuqday suuqyada kutubta ee Soomaalida.

Buuggan oo ka warramaya isku-daygii afgembi ee 15kii Julaay 2016-kii ka dhacay dalka Turkiga waxa qoray Kamaal Axmed Cali oo ah qoraa iyo saxafi guddoomiye ka ah wargeyskan Geeska Afrika.

Dhacdadaas iskudayga Afgembi oo ka mid ahayd dhacdooyinkii sannadkii tegey loogu xusuusta iyo hadal haynta badnaa guud ahaan dunida oo dhulka Soomaalid ku jiro ayaa uu buuggani si faahfaahsan uga sheekaynayaa. Haddaba qoraaga buugga oo  tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey buuggan ayaa mar uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxa uu ugu horreyn ka hadlay sida mawduucani ula xidhiidhi karo waaqaca Soomaalida, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa run in Soomaalida ay ku yar tahay in ay wax ka qoraan arrimo dibadeed, mase’ aha markii ugu horreysay, oo buugaag badan ayaa jirta… marka aan taas ka imaaddo waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in dunida maanta ay tahay shabakad isku wada xidhan oo masaafadda juqraafi ee u dhexeysaa aanay kala xidhin dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo siyaasad ahaan midna. Tusaale ahaan doorashada Maraykan ka dhacday waxa ay saamayn ku yeelatay Soomaaliga aan dhanna u dhaafin ciiddiisa, oo weliba laga yaabo in uu baadiyaha ku nool yahay. Haddii ay sababtu tahay cid halkaas u joogtay oo uu biil ku qabay, haddii ay tahay caawimo Maraykan bixin jiray oo hay’ado soo gaadhsiin jireen oo joogsanaysa iyo sababo kale oo jiri karaba. Maadaama oo ay dunida maantu tahay edeggaas keliya. Maadaama oo Turkigu saamayn ku leeyahay siyaasadda Soomaalida, gacan muuqatana ku leeyahay dhaqaalaheeda iyo siyaasaddeeda, waxaa muhiim ah in aynu isla fahanno in isbedellada ka dhacaa ay innagana si taban ama togan inoo saamayn karaan. Waxaa intaas dheer xidhiidhka la’ ogyahay ee taariikhiga ahaa ee ka soo dhexeyn jiray Soomaalida iyo Turkiga sida xilligii Cusmaaniyiinta oo raadkoodii weli dhulka Soomaalida meelo badan oo ka mid ah lagu arkayo”

Kamaal, oo sii wata hadalkiisu waxa uu intaas ku daray, “Ardayga cilmiga xidhiidhka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda ama siyaasadda bararnaya, ardayga ganacsiga iyo horumarka baranaya, saxafiga, siyaasiga damaca leh ee ay tahay in uu fahmo dunida iyo waxa ka socda iyo cid kasta oo kalaba oo doonaysa in ay wax uun ka fahamto dunida iyo sida ay u shaqayso waa ay khusaysaa qadiyadda ka dhacaysa dunidu, buugganina kaalin yar oo ka mid ah daaqaddaas ballaadhan ee furnayd ayaa uu gelayaa”

Buuggan oo maalmihii u dambeeyey dhalinyarada wax-akhriska xiisaysaa hadalhayntiisu ku badnayd ayaa uu qoraagu sawir guud ka bixiyey qaabka uu dhacdadan uga warramayo, “Buuggu si guud waxa uu ka kooban yahay afar cutub, oo midkastaa uu leeyahay qaybo xiise badan oo aan halkan lagu soo koobi karin, tusaale ahaan cutubka koowaad waxa uu ka warramayaa; Fulintii isku dayga afgembiga; sida ay wax u dhaceen, jilayaasha muhiimka ah ee iska soo horjeeday iyo xaaladihii kala duwanaa ee ku xeernaa, waxa aanu isku xidhayaa isku daygan iyo dhacdooyin hortii dhacayey, balse aan la dhaadin.

Cutubka labaad waxa uu si faahfaahsan uga warramayaa fashilintii isku dayga afgembiga iyo sababaha loo aanayn karo guuldarradiisa. Waxa uu is barbardhig ku samaynayaa dhacdadan iyo mid u muuqaal ekeyd oo hore uga dhacday dalka Venezuela. Cutubka saddexaad waxa uu ka warramayaa kaalintii ay dalalka dibadda oo galbeedka u badani ku lahaayeen afgembigan, waxa aanu soo bandhigayaa caddaymo yaab leh oo Maraykanka ku xidhiidhinaya shirqoolkan.

Cutubka afaraad waa qubane ka warramaya arrimo kala geddisan oo ay ka mid yihiin; Taariikhda iyo shakhsiyadda wadaadka uu Turkigu ku eedeeyey afgembigan ee Fatxullaah Gulen, aragtidiisa diiniga iyo siyaasiga ah, xidhiidhka uu la leeyahay reer galbeedka iyo raadadka muujinaya in uu afgembiga ku lug lahaa, waxa uu ka warramayaa madaxweyne Erdogan, geeddigii siyaasaddiisa, qisooyinka iskudayada dilal ee uu ka badbaaday iyo jidka uu u soo maray hoggaanka dalkiisa. Waxa kale oo uu soo bandhigayaa casharrada laga baranayo isku-daygaas afgembi.

Ugu dambayntana waxa uu buuggu si xiise badan u soo gudbinayaa sheekooyin maadays u eeg oo la xidhiidha dhacdadaas isku-dayga afgembiga.

Buuggan oo xogo aad ballaadhan xambaarsani waxa uu yaallaa suuqyada iibka kutubta ee magaalooyinka waa weyne ee jamhuuriyadda Somaliland, iyo sida oo kale rugaha kutubta ee magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ee Soomaaliya.