Afar Hab Oo Dadka Doonaya In Ay Miisaanka Dhimaan Ay Cuntada Badan Iskaga Xakamayn Karaan

0
799

Hargeysa (Geeska)- In kasta oo cuntada oo si weyn la isaga xakameeyaa ay tahay arrin aan caafimaadka ku fiicnayn, haddana waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in marar badan qofku u baahan yahay in cuntada badan uu iska xakameeyo, qormadan oo uu Geeska Afrika turjumayna waxa ay shabakadda Al-Carabiya ku soo bandhigaysaa tallaabooyin doonista cunto ee qofka xakamaynaya, si uu uga hortago miisaanka dheeraadka ah.

1. Biyo badan cab: Biyaha oo faa’idooyinkooda tirada badan aynu kaga kaaftoomi karno sheegidda in ay jidhka ka nadiifiyaan mariidka (sunta), ayaa lagu taliyaa in mar kasta oo cunto loo baahdo la cabbo, waayo caloosha waa ay dhergiyaan, dhibaato caafimaad iyo mid miisaanka la xidhiidha midna ma keenaan.

2. Cuntada barootiinta badan leh: In la cuno cunto barootiintu ku badan tahay waa habka ugu wanaagsan ee loo xakamayn karo gaajada, waayo waxa ay qofka dareensiisaa dhereg muddo dheer jira, maadaama oo jidhka ay waqti ku qaadato in uu dheefshiido. Cuntooyinka barootiintu ku badan tahay waxaa ka mid ah kalluunka, digaagga, beedka iyo cadaska.

3. Shaaha cagaaran: Shaaha cagaarani waxa uu qayb weyn ka qaataa dembiga xanuunka gaajada, waxa aana ku jira maaddooyin ka qayb qaata nidaaminta doonista cunto ee qofka. Waxa intaas dheer in shaaha cagaaran oo si joogto ah loo isticmaalaa uu caawiyo dhimista miisaanka, maadaama oo uu xoojinayo awoodda uu jidhku u leeyahay in uu xaydha gubo, kana ilaaliyo in ay jidhka ku ururto.

4. Jimicsiga: Jimicsiga oo la joogteeyaa waxa ay caawisaa in gaajadu yaraato, waayo jimicsigu waxa uu jidhka ku badiyaa hormoonnada dheregga tilmaama.