Af Lagaga Hadlo Adduunka Oo Aanay Ku Jirin Ereyo Iibin Iyo Soo Iibsasho Tilmaamaya Iyo Tirada Dadka Ku Hadla

40
3148

Stockholm (Geeska)- Cilmibaadheyaal u dhashay dalka Sweden ayaa ogaaday in dadka deggen tuule ku yaalla dhul gasiirad-la-mood ah oo u dhow xuduudka dalka Malaysia la leeyahay dalka Thailand ay ku hadlaan af u gaar ah oo aan ku jirin liiska afafka u diiwaangashan hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan sayniska, dhaqanka iyo waxbarashada. Waxa aana xiise gaar ah leh in afkan aanay ku jirin kelmado leh macnaha iibka, soo iibsasho iyo iibin labadaba, iyo ereyo kale oo qudhoodu ka mid ah kelmadaha nolol maalmeedka bani’aadamka casrigan la xidhiidha.

Sida uu ku warramay wargeyska Le Figaro ee ka soo baxa dalka Faransiiska, afkan waxaa iska leh qabiil dadka ka nool inta la og yahay ee afkan ku hadla tiradoodu tahay 280 ruux. Waxa aanay ka mid yihiin qabiillada asalka ah ee dalka Malaysia. Afka ay ku hadlaan dadkan oo dhammaantood ku wada dhaqan tuulahan baadiyaha fog ah, waxa ay cilmibaadhayaashu u bixiyeen magaca “Jeydik”.

Joan Yager oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Lund ee dalka Sweden isla markaana hoggaaminayey cilmibaadhistan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ogaado afafka bubrurka ku dhow, oo la daraaseeyo, waayo waxa ku jira aragtiyo cusub oo la xidhiidha dhaqankii dunidan ka soo jiri jiray, iyo faa’iido dhinaca aqoonta bani’aadamka ah oo inooga korodha.

Tuulahani ma’aha mid ana la aqoonin oo hore ayaa ay u booqdeen culimada cilmiga barashada aadamaha, iyo dhaqannadooda hore iyo haddaba, laakiin imika waxa cusubi waa in la ogaaday in dadka tuulahan ku dhaqani ay leeyihiin af u gaar ah oo ah af soo jireen ahaa.

Dadkan tirada yar ee uu afkani ka dhexeeyaa waa ugaadhsato iyo beeraley, marka laga tago afka, xeeldheereyaasha u kuurgalay dhaqanka iyo nolosha qabiilkani waxa ay si gaar ah u hoosta uga xariiqeen dabeecado dunida maanta ku badan oo aan qabiilkan lagu arag, waxaa ka mid ah in aan lagu arkin khilaafaad u dhexeeya ragga iyo haweenka. khilaafkan oo ah arrimaha ugu hadal haynta badan dunida maanta, haddii ay tahay dano siyaasi ah iyo xuquuqo la kala jiidanayo iyo haddii ay tahay qoyska gudihiisaba. Waxa kale oo la arkay in aanu haba yaraato ee qabiilkan dhexdiisa ka jirin wax muran iyo khilaafaad ah, oo ay dhif tahay in ay dhacdo xaalad laba qof loogu gar qaado ama ay ku kala cawdaan.

Dhaqannada kale ee layaabka leh waxaa ka mid ah in waalidiinta qabiilkani ay ubadkooda ku barbaariyaan dhaqan ah in aan la tartamin, wax kasta oo yaallana aan loollan loo gelin, balse nolosha oo dhan la wadaago.

Waxa kale oo iyaduna xiise leh in afkani aanu lahayn ereyo ku jira dhammaan afafka kale ee dunida maanta lagaga hadlo, ha noqdaan kuwo ku aroora dhaqankii afkaas ama kuwo uu afaf kale ka soo ergistay ha noqdaan ee. Ereyadaasi waxa ay u badan yihiin kuwa xidhiidhka la leh, dhinaca sharciga, garsoorka, xatooyada, deynta, iibinta iyo soo iibsashada. Laakiin waxa uu afkani hodan ku yahay kelmadaha ku habboon in loo adeegsado wax is dhaafsiga, isku doorsiga iyo wadaagista. Taas oo dabcan ka turjumaysa dhaqanka ka jira deegaankan iyo nooca uu yahay xidhiidhka bulshadan ka dhexeeyaa.

Maadaama oo hay’adaha kala duwan iyo culimada afafku ay dadaal badan geliyeen tirokoobka afafka dunida ka jira, muddooyinkan dambe waxaa aad dhif u ah in la helo afaf aan jiritaankooda hore looga warqabin, sidaa awgeed in af cusub la helaa waxa ay la kulantaa hadal hayn badan iyo in baadhitaanno xeeldheer oo dhinac kasta ah lagu sameeyo. Sannadkii 2013 kii ayaa ay ahayd markii sidan imika oo kale koox cilmibaadhayaal ahi ay heleen 800 oo qof oo ku nool gobalka Arunachal Pradesh ee dalka Hindiya. Dadkan ayaa dhammaantood isku isir ahaa waxa aanay ku hadlayeen af u gaar ah oo aanay jirin cid kale oo la wadaagta. Afkaas oo ay cilmibaadhayaashu u bixiyeen Koro, ayaa ah mid gebi ahaanba wax isir ah looga waayey cilmiga afafka isla markaana aan illaa hadda la helin taariikhda uu ku arooro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here