Adeegga WiFi: Sidii Uu Ku Yimi Iyo Qisada Ninka Muslimka Ah Ee Uu Maskaxdiisa Ka Soo Maaxday

36
3007

Hargeysa (Geeska)- Wifi ama Wi-Fi sida mararka qaar loo qoro, waa tiknoolajiyad ah shabakad aan xadhig la isu marayn oo dadka jooga aag xaddidan ku xidha shabakadda caalamiga ah ee Internet ka. Wi-Fi oo ku hsaqaysa qalabka heerkoodu yahay IEEE802.11, waa calaamad ganacsi oo ay iska leedahahay Wi-Fi Alliance oo ah urur aan faa’iido doon ahayn, oo horumariya isla markaana fasaxa waxsoosaarka Wi-Fi, kaddib marka uu u eego calaamado iyo heer uu yaalla wada-shaqaynta qalabka.

Qalabka isticmaali kara Tiknoolajiyadda Wi-Fi waxaa ka mid ah kombiyuutarrada, mishiinka ka shaqaysiiya ciyaaraha-fiidyowga ah (Video-games Consoles), taleefannada gacanta, kamaradaha qaarkood, muraayadaha talefishannada ee casriga ah, rikoodhada codka qaarkood, daabacadaha casriga ah (Printers) iyo qalabyo la mid ah.

WiFi oo uu ugu yaraan magaciisa maqlay qof kasta oo internet ka isticmaalaa, waxa uu ka mid yahay adeegyada tiknoolajiyadeed ee dunida ka jira ee aan aad loo aqoonin cidda ikhtiraacday; waana xogta uu maanta wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayo.

WiFi oo si aad ah u fududeeyey isticmaalak internet ka, kaalin weyna ka qaada kordhinta xawaarihiisa iyo in taleefannada casriga ahi ay ku shaqeeyaan internet ka waxaa ikhtiraacay Dr. Xaatim Salquul oo ah caalim ku xeeldheer tiknoolajiyadda oo u dhashay dalka Masar.

Xaatim laftiisa oo dhowaan u warramay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa mar uu ka warramayey qisada hal-abuuridda adeegga WiFi waxa uu sheegay in bilowgii qisadani uu ahaa sannadkii 1989 kii, markaas oo uu ka shaqaynayey shirkad isgaadhsiineed oo ku taalla dalka Kanada oo uu sannadkii 1983 kii tegey, kaddib markii uu ka haajiray dalkiisa Masar. Xaatim waxa uu sheegay in ikhtiraacidda adeegga WiFi uu sida oo kale uu gacan iskaashi uga helay saaxiibkiisii carruurnimo Dr. Misheyl Fawtish. Xaatim waxa uu sheegay in waxbarashadiisa sare e edhinaca Injineernimada iyo waayoaragnimadiisii dheerayd ee dhinaca baatroolku ay si weyn uga caawiyaan in uu ikhtiraaco adeeggan dunida oo dhan laga soo dhoweeyey.

Xaatim waxa uu sheegay in shirkadda Kanadiyaanka ah ee uu ka shaqaynayey ay ka dalbatay in uu baadho hab suurtagelin kara in uu horukac sameeyo awododa xidhiidh ee taleefannada gacanta ee markaas jiray iyo in la kordhiyo xawaaraha internet ka. Xilligaas waxaa arrintan suurtagelin jiray adeegga 2G, waxa aanay Xaatim iyo saaxiibkii ku guulaysteen in ay daraasad ballaadhan ku sameeyaan adeeggaas 2G iyo kaalinta ay ku leeyihiin hirarka birlabdanabeed (Electromagnetism) ee awoodda u leh in ay qaaddo barnaamijyada, xogaha iyo sawirrada iwm. Xaatim markii uu hawshan fahmay waxa uu shirkadda ka dalbaday in la sameeyo tallefan cusub oo ku shaqayn kara tiknoolajiyadda cusub ee uu helay.

Xaatim markii ay isaga iyo saaxiibkii hawshan ka faraxasheen waxa ay shirkadda ka dalbadeen in inta aan la isticmaalin, diiwaanka hal-abuurka ee caalamiga ah loo geliyo in ay iyagu ikhtiraaceen, sidii ayaana la yeelay. Kaddib waxa ay aasaaseen shirkad suuqgeysa barnaamijkooda, iyaga oo saamiyana siiyey saamileyaal iyo shirkado waaweyn. Sannadkii 1991 kii, ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay ikhtiraaca adeegga‘WiFi’waxaana bilowday in shirkadaha soo saara taleefannada casriga ahi ay dib ugu noqdaan taleefannadii waqtigaas kaddib soo saarayeen si ay ugu soo daraan adeeggan cusub, iyada oo taleefankii ugu horreeyey ee adeeggan ku shaqaynaya la sameeyey sannadkii 1993 kii.

Dr. Saqluul waxa uu sheegay in mar kale shirkaddiisu u xilsaartay in uu baadho hab kale oo suurtagelinaya in uu adeegga WiFi intii hore ka sii xawaare sarreeyo, isaga oo kaashanaya jaalkiisana uu muddo hawshaas daraasaynayey, illaa ay ugu dambayntii heleen adeegga 4G oo noqotay tiknoolajiyadda ugu sarraysa dunida oo dhan.

Xaatim waxa uu dhashay sannadkii 1957 kii, waxa aanu ka qalinjebiyey kulliyadda Injineernimada korontada ee jaamacadda Qaahira sannadkii 1979 kii, iyo takhasus xisaabaadka sayniska ah oo uu ka qaatay jaamacadda Caynu Shams. Kaddib waxa uu shaqo sare ka helay mid ka mid ah shirkadaha baatroolka ee waaweyn, kaddib waxa uu go’aansaday in uu u haajiro dalka Kanada. Xaatim dalka Kanada waxa uu ka qaatay waxbarasho jaamacadeed oo ah eherka labaad ee cilmiga Fiisigiska, sannadkii 1985 kii, isaga oo macallinna ka noqday isla jaamacadda uu ka baxay oo ahayd jaamacadda Calgary.

Xaatim intii u dhexeysay sannadkii 1989 kii illaa 1993 kii waxa uu cilmibaadhe ugu shaqaynayey shirkadda isgaadhsiinta taleefannada gacanta ee TELUS oo ka dhisan dalka Kanada.

Sababta uu u haajira:

Dr. Saqluul waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee uu uga haajiray Masar ay ahayd, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo dhegeysanaya khudbad uu jeedinayo masuul sare oo masaari ahi, in uu ka maqlay isaga oo dadka Masaarida ah ku dhalliilaya taranta badan, hadallada uu lahaana ay ka mid ahayd in in aanay Masar awoodi karayn in ay tallaabooyin horumar ah qaaddo, sababto oo ah korodhka dadka ee sida xawliga ah kor ugu socda. Waxa uu sheegay in hadalkaasi uu ku abuuray in uu dul istaago. Waxa uu is weydiiyey in dawladdii ay sheegayso in aanay waajihi karin mushkilado yaryar sida uu u arkayey, oo ay ka mid tahay korodhka dadku, waxa aanu is weydiiyey, maxay arrintan ka qaban karaan saynisyahannada iyo cilmibaadhayaasha aqoontoodu durugsan tahay? Su’aashaas uu is weydiiyey ayaana sees u ahayd sababtii ku kalliftay in uu u haajiro dalka Kanada. Halkaas ayaanu ku soo rumeeyey himiladiisii iyo riyaddii uu qabay.

Xaatim waa uu ku guulaystay shahaadooyin iyo abaalmarinno caalamiya oo kala duwan, kuwaas oo uu ku helay aqoontiisa dhinaca tiknoolajiyadda iyo guulaha uu ka gaadhay hal-abuurkeeda. Waxa kale oo uu ku guulaystay abaalmarinta la siiyo dadka soogaleetiga ah ee horumarka ka sameeya dalalka ay tagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here