Adeeg Taleefanka Gacanta Lagu Soo Dejisto Oo Faa’iido Gaar Ah Leh Bisha Soonka

47
3528

Hargeysa (Geeska) – Taleefanka gacanta ee casriga ah oo waqtigan la joogo ka mid ah baahiyaha nolosha ee muhiimka ah, inta badanna dadku gacanta ku sitaan, ayaa bisha barakaysan ee soon waxaa lagu isticmaali karaa adeegyo badan oo qofka soomani uu samo iyo mararrowba ka heli karo; waxaa ka mid ah:

  1. Muslim Pro – Ramadan 2018

Adeegga Muslim Pro oo isaga oo lacag la’aan ah aad ka soo dejisan karto ‘Google Play’ iyo ‘Apple Store’ waa adeeg aad u faa’iido badan oo qofka adeegsada fursad u siinaya in uu garto waqtiyada salaadda oo sax ah, iyada oo loo eegayo hadba halka uu joogo. Waxa uu ka helayaa codad iyo Qur’aan isugu jira cod iyo tafsiir. Waxa kale oo adeeggan laga helayaa; Jiheeye lagu garan karo jihada qibladu kaa xigto oo sax ah iyo kaltirsi (Kaalandar) bisha Ramadaan ee sannad 2018 ka ah.

  1. Ramadan 2018

Adeeeggan oo aad ugu fiican taleefannada gacanta ee ku shaqeeya barnaamijka Android ka, ayaa shaqooyinka badan ee uu qofka sooman u qabanayo waxaa ka mid ah in uu si sugan u sheegayo waqtiga runta ah ee ay qorraxdu dhacday, weliba haddii qofku u baahan yahay uu samaynayo dawan baraarujin ah, codad isugu jira Qur’aanka Kariimka ah iyo heeso Islaamiya oo Ramadaanka u gaar ah, waxa kale oo uu sida adeeggii hore leeyahay jiheeye ku tusaya dhinaca qiblada salaaddu xigto. Adeeggan qaybtiisa la cusboonaysiiyey waxaa laga helayaa diiwaanka waqtiyada salaadda isaga oo u eegaya hadba halka aad joogto.

  1. Qur’aan Majiid – Ramadan 2018

Adeeggani waxa aad ka helaysaa Qur’aanka oo cod ah, ama kitaab aad adigu akhrisato, sida oo kale waxaa laga helayaa tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah oo afaf kala duwan leh.

  1. Prayer Times: Qibla Compass & Ramadan 2018:

Waxa aad ka helaysaa waqtiyada Salaadda oo sax ah, isaga oo u eegaya hadba halka aad joogto, kaltirsiga Ramadaanta, Jiheeyaha qiblada, magacyada Alle (SWT), kaltirsiga guud ee sannadka Hijriyada, waxa kale oo aad ka helayaa sawirro aad soo dhigan karto shaashadda taleefanka, (Wallpapers). Waxa kale oo uu adeeggani si fiican u caawinayaa garashada qiblada salaadda, iyo ku dhawaaqista saxda ah ee ereyada afka carabiga oo uu kaa caawinayo, gaar ahaan akhriska ducooyinka.

  1. Islamic Calandar: Athan, Prayer Tie, Qibla, Qiram:

Adeeggani waxa uu fursad kuu siinayaa ku baraarugsanaanta waqtiyada salaadda, taariikhda Hijriga ah, qiblada iyo waqtiyada eedaanka salaadda. Waxa kale oo laga helayaa ducooyin, aalad aad ku xisaabiso sakada oo sax ah, xusuusaha oo aad gashato si uu kuu xasuusiyo, iyo in haddii aad dal shisheeye joogto uu kuu tilmaamo maqaaxiyaha kolba halka aad joogto ugu dhow ee cuntada xalaasha ah laga cuno.

Waxa uu adeeggani isugu kaa ladhayaa kaltirsiga Miilaadiga iyo ka hijriga ah, waxa aanu kuu soo gudbinayaa aayado Qur’aan ah oo uu si gaar ah kuugu soo xulay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here