Abyi Ahmed Ma Ka Faa’ideysan Doonaa Khaladaadki Gorbachev Ku Burburiyey Midowgii Soofiyeeti?

0
10726

W/Q Baashe Cabdi Gaboobe, Q2aad

Ethiopia iyo Ruusku waxey wadaagaan sifooyin badan  :

1-           Ethiopia taariikhdeeda marnaba kumey dhaqmin nidaam dimuqraadi ah, waayo waxa xunka heystey boqortooyo guun ah oo ku dhaqanta diinta Christian Orthodox laakiin waxa 1974 xunka ka tuure kacdoon military   ( Derg ) oo aaminsana mabda’a shuuciga ee lininism-marxism oo dhiig badan ku daatey boqorki Haile  Selassie iyo qaar qoyskisana xabsiga lagu diley ( xigasho, maxkamadda Ethiopia 1994 ). Waxa kalo la khaarijey madaxi golaha kacaanka( Derg ) general Aman Andom iyo saraakil badan( xigasho, Nazaret.com ) , madaxtinimadina Ethiopia waxa qabsadey nin adag oo 35 jir ah oo la yidha Mengisto Xaille Maryam ( Gaanshaale  ).

2- Madaxweyne Mengisto Xaille Maryam wuxu isu dalacsiyey gaashaanle sare ( Colonel ) wuxuna la wareegey ( Qarameeyey ) hantidi gaar ka loo laha waxaanu xoojeyey xidhiidhka siyaasi, diblumaasi, military ee dawladda Soviet Union waxaanu dhabarka ujeediyey dawladaha reer galbeed ee weligood Ethiopia xidhiidhka qotada dheer la laheyd. Ciddi ku mucaaridana, dhegta dhiig u darey.

3- ,Dagaalki Somalia iyo Ethiopia 1977, Xaille Maryam wuxu ka heley dawladaha Soviet Union, Cuba, South Yemen iyo Isreal ( xigasho, Wikipedia, The Ogaden war ) gargaar military, dhaqaale iyo ciidan oo guusha u horseedey.

4- 1991, markey dawladdi Soviet Union burburtey  aya Mengesto waayey taageeradi dhaqaale, siyaasi iyo military ee u ka heli jirey, taaso u fudeydisey isbaheysigi jabhadaha EPRDF ( Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front oo hormood u aheyd Tigre People’s Liberation Front ‘’TPLF’ ) iyo EPLF ( Eritrea People’s Liberation Front ) iney EPRDF oo u hoggaaminaayo mudane Meles Zenawi Ethiopia qabsato, halka EPLF oo u hoggaaminaayo Asiasi Afworki.  Eritrea qabsato, Mengeste na Zambabwe u baxsado..

5- Inkasto EPRDF marki halganka ku jirtey aaminsaneyd mabda’a  Marxism-Lininism, laakiin marku Soviet Union ki burburey xunkina qabsatey waxey dantu ku kaliftey in mudane Meles Zenawi dhaqaalihi dib u furfuro oo hantidi gaar aheyd dib ugu celiyo dadki laha kuna guuleystey innu soo jiito maal gashi caalaami ah. Taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah, dawladaha dhaqaalaheeda ugu koritaanka weyn adduunka, celcelis ahaan 10% GDP ( Source: Trading Economic. Com  ( National Bank of Ethiopia ) )

6- Mudane Meles wuxu dhisey ciidan xoog badan taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah ciidamada Afrika ugu awoodda badan waxaanu ka guuleystey Eritrea dagaalka muranku ka dhashey mandaqadda Badme 1998-2000 oo boqolaal kun dad ihi ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen  iyo maxaakimta Somalia oo ilaa Xamar ciidamada Ethiopian gaadheen

7- Inkasto mudane Meles gaadhsiyey Ethiopia horumar dhaqaale oo weyn laakiin may jirin horumar siyaasadeed sida dimuqraadiyadda iyo xoriyat qawlka oo waxey EPRDF ku guuleysan jirtey doorashada 99% .

8- Haddaba marku dhintey mudane Meles Zenawi, qorshuhu wuxu u dhacey sidu ugu tala galey oo waxa hoggaanki EPRDF la wareegey kuxigeenkisi mudane Hailemariam Desalegn kaaso  madax ka aha xisbiga SEPDF ( Southern Ethiopia People’s Democratic Front ) ee ku jira isbaheysiga EPRDF.

9- Waxa muddo dheer  isa soo taraayey saluuga labada xisbi OPDO ( Oromo People’s Democratic Front ) iyo ANDM ( Amhara National Democratic Movement ) ay saluugsanayeen qaabka loo qeybiyo kheyraadka iyo shaqooyinka sar sare ee dalka iyago ka mid ah isbaheysiga EPRDF kana soo jeeda labada qawmiyadooda ee  ugu tiro badan Ethiopia ( xigasho, Paulos Milkisa, Ethiopia, The TPLF and Roots of 2001 Political Tremor ), dareenkaaso ugu dambeynti hoos u dhaadhacey oo shacabki labada qawmiyadood ka abaabuleen Addisababa iyo degaanadooda kacdoonno iyo bannaan baxyo isdeba joog ah oo dad badan ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen, kumanaan kun na xabsiga loo taxaabey.

La soco qeybaha kale

Abiy Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki u Gorbachev ku burburiyey Soviey Union ?

Rushku iyo Ethiopia waxey wadaagaan sifooyin badan

Haddaba markey bannaan baxyadi iyo qalalaasihi joogsan waayen aya 16 october, 2016 dalka lagu soo rogey xaalad deg dega,  taaso sababtey in isgaadhsiinta, internetka, kulamada dadka iyo warbaahinta  aad loo kontroolo dad badan na xabsiga loo taxaabo. Hasa yeeshey,  kacdoonki shacbiga labada qawmiyadood Oromo iyo Amxaaro marna mu joogsan, waxaaney geyeysiisey dalka khasaare nafeed, dhaqaale, ammaan darro iyo sumcad xumo. Waxaana cambaareeyey xadgudubyada bani’aadamnimo dawladaha reer galbeed iyo hay’adaha ququuq al iinsaan ee adduunka. Haddaba markey xaaladdu halkaas mareyso ayey ka fursan weydey innu prime minister Haile Desalegn ku dhawaaqo 21 feb, 2018  innu iska casiley prime ministernimadi iyo guddoominimadi xisbiga isago qirey in loo bahan yahey hoggaan cusub oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka jira, ilaa inta xisbigu cid u dooranayana u sii heyn doono labada xil. Waxaana loo doortey mudane Abyi Ahmed, prime minister iyo guddoomiyaha xisbiga EPRDF 2 April, 2018.                                                                  Mudane Abi Axmed wuxu markiba ku talaabsadey isbedel balaadhan oo xawli ku socda oo saameyn weyn ku

Ethoipia Iyo geeska Afrika

muddada gaban ee ka soo wareegtey marki xukunka dawladda Ethiopia loo caleemo saarey April 2018.

Wuxu la heshiyey Eriteria isago 5 June, 2018 aqbaley go’aanki ka soo baxey shirki nabadeynta Algiers ee xabad joojinta  (Algiers Peace Accord ) iyo  go’aanki 2002 ay  diidaneyd Ethiopia ee ay soo saartey  guddida xadeynta xuduudaha Ethiopia iyo Eriteria ( Ethiopia Eriteria Boundary Commission ) ee Jamciyadda quruumaha u xil saartey oo go’aamisey in mandaqadda BADME iyo dhawr goobood oo kale ay ledahey dawladda Eriteria, Ethiopiana ay waajib ku tahey iney ciidamadeeda iyo maamulkeeda ba kala baxdo. ( Xigasho, Abraham T Zere, Aljazeera ).

Wuxu soo celiyey  xidhiidhki diblumaasi, ganacsi iyo isu socodka ( dhul iyo cir ) labada shacab ee kala xidhna labaatanka sanadood ( 1998—2018 ) iwm.

Wuxu cafis u fidiyey kumanaan maxaabis ah oo fikirkooda u xidhna iyo jabhado iyo ururo siyaasi ah oo maamulki hore ku tilmaamy argagixiso sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7

Wuxu isbedel balaadhan ku sameeyey hay’adihi amniga, garsoorka, ciidamada iyo madaxdi goboladda oo qaar kood  xabsiga loo taxaabey iyago lagu eedeyey xadgudubyo xuquuda bani’aadamnimo.

Wuxu dhisey dawlad kooban ( labaatan wasiir, toban dumar iyo toban rag ah ). Waxaanu wasaarado muhim ah siiyey qowmiyadaha aan ku jirin EPRDF sida Somalida oo u siiyey maaliyadda iyo Cafarta oo u siiyey gaashaandhiga.

Wuxu ka dhex bilaabey dib u heshisiin dawladdaha geeska afrika ee colaaduhu u dhexeyeen sida Somalia iyo Eritrea ,  Djibouti iyo Eritrea iwm…

Wuxu hoos u dhigey colaaddi wabiga Nile ka ee u dhexeysey Ethiopia Masar Sudan ( waxa hakad galey mashruci weyna ee Daamka ( Grand Ethiopia Renaissance Dam )

Wuxu xoojiyey xidhiidhki ka dhexey Ethiopia iyo Marykanka- Europe iyo Carabta khaliijka ee hodanka ku ah shidaalka, dawladahaaso la tuhusan yahey iney ka dambeyaan siyaasadihisan cusub oo ka mid noqonaysa hortagga is balaadhinta dhaaqle iyo military ee China taaso ka duwan siyaasaddi hore ee isku dheeli tiraaysey reer galbeedka iyo xooggaga cusub ee dhaqaale sida India, Turkiga, South Afrika ( guud Afrika ), Brazil, China iyo iwm

Haddaba waxeynu qireyna innu mudane raisal wasaare Abiy Ahmed ilaa hadda ay si habsami ah u socdaan talaabooyinka u qaadey ee kor ku xusan laakin imtixaan ka weyni wuxu imanaya marka axsaabta la furo oo doorashooyinka loo diyaar garoobaayo. Waayo, waxeynu wada oggsoonahey in Ethiopia aaney hore uga dhicin doorashooyin dimoqraadi ah oo xor oo xalaal ah. Waayo arag la’aantaso war warkeeda leh madaama  shcabka Ethiopia u qeybsan yahey qawmiyado khilaaf ba’aan oo xuduudeed iyo xurgufo siyaasadeed oo gaamurtey ka dhexeeyaan. Qawmiyadaha laftoodu waxey u qebsan yihiin qabaa’il dhexdooda iska soo horjeeda iyo mandaqado dano kala duwan leh.Taaso u dheer tahey waayo arag la’aanta xukuumadda, jabhadaha muddo dheer halgan hubaysan ku jire oo tacadiyo ka tirsanaya guud ahaan EPRDF  gaar ahaan hayadaha amniga ee u saraakisheeda sare ka mid aha Ahmed Abiy. Waxa xusid mudan in Axmed Abiy u ururka OLF  kala kulmi doono tartan adag qawmiyadda Oromia dhexdeeda ee u ka soo jeedo madaama shacabka Oromia ay taageera xoog leh u hayaan  ururka OLF madaama ay halgan  dheer oo adag oo naf iyo maal ba u hureen si ay xuquuqda iyo kramada shacabkooda u badbaadiyaan. Waxa marag ma doon ah soo dhaweeyenti balaadhneyd ee shacabka Oromia kusoo dhaweeyey madaxda OLF markey Addisa-baba ku soo laabteen iyado taageerayaasha iyo madaxda OLF u aragta Abiy Ahmed nin ka mid aha muddo dheer rijiimka EPRDF qeybtisa ugu xadgudub badneyd oo aha hay’ada sirdoonka   ee iminka u cambaareynayo hab dhaqankooda.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here