Abwaano Culus Oo Sheegay In Gudoomiye Baashe Diiday Ergadooda

0
686

Hargeysa(Geeska)-Gudida Abwaanada ah ee isku xilqaantay inay kala dhex gasho xildhibaanada golaha wakiilada ee kala fadhiya ayaa daboolka ka qaaday in guddoomiye Baashe Maxamed Faarax uu ku gacan saydhay ergadooda, balse garabka xildhibaan Talyanle ayay sheegeen inay aqbaleen ergada

Ugu horayntii afhayeenka gudidan abwaanada ah Maxamed Xasan Cali Waji oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi"Labada inan ee is hayay waanu la kulanay wax dhib ahna  kulankii hore kalamaanu kulmin markii aanu u sheegnay waxii dhinacooda nagala gudboonaa ee talo ah iyaguna ay noo sheegeen waxay tirsanayeen, waxaanu nidhi aanu la kulano labada gudi ee ay magacaabeen oo maalintaas galabnimada inay kulmaan la filayay, labadii gudi ilaa maanta may kulmin, waxaanu isku daynay inaanu labada gudi isku keeno waanu isku keeni kari waynay, labada dhinac; dhinac waa noo qabsoomay oo diyaar ayay noo ahaayeen dhinac ayaa se na diiday oo aanu u taagweynay maantana waxa noo sii raacday dhinacaas na diidanaa oo ah dhanka Baashe in isaga laftigiisii uu nagu yidhi hadaad odayaashaas tihiin raali naga ahaada."

Sida oo kale xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin (Dheeg) oo ka mid ah gudidan abwaanada ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay sida waxa u dhaceen"Waad ogaydeen saddexda xisbi oo midba meel taagan yahay ayaanu shir u qabanay oo aanu sadexdoodaba isugu yeedhnay, Muuse Biixi waxa uu yidhi waligay ergo culimo ah arkay,ergo siyaasiyiin ah arkay, ergo boqoro ah arkay waligay ergo abwaaniin ah maanta hortiin maan arkin hadaba I xukuma ayuu yidhi, ku xukunaye halkaas noogu kaalay ayaanu ku nidhi waanu noogu yimi sidaanu nidhi ayay saddexdiiba yeeleen, wali dhawr iyo toddobaatan jir ayaan ahay oo ergo aan galay oo la yidhi naga bax wali maanta horteed maan arkin, hadaanaan gar ba galin oo aanan eexan waxa loo yidhi xafiiksa nooga baxa waanu garan waynay,waliba aniga wuu ii yeedhay Baashe oo waxa uu igu yidhi Baashe ragan iga soo saar,ta nagu dhacday waa taas."

Abwaanadan ayaa kala ah:

1. Abwaan Xasan Xaji Cabdillaahi (Xasan Ganay)

2. Abwaan Maxamed Aadan Dacar,

3. Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)

4. Abwaan Muuse Cali Faruur,

5. Abwaan Cumar Xasan Rooraaye,

6. Abwaan Maxamed Xasan Cali (Waji)

7. Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)…