Abwaan Hadrawi Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Guddoomiyaha Jaamcadda

1
759

 

hadraawiHargeysa(Geeska)-Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadrawi), ayaa tacsi u diray umadda, jaamacadda Hargeysa iyo qoyska uu ka baxay guddoomiyihii jaamacadda Hargeysa Marxuum Muuse Cabdi Cilmi Samatar, oo shalay ku geeriyooday shil baabuur.

Abwaan Hadrawi, oo isagoo jooga magaalada Burco xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu shakhsiyadda Marxuumka ku tilmaamay mid wanaagsanayd oo gudatay waajibaadkii dalka iyo dadku ku lahaa. “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun, geeridu waa xaq. Waxaan tacsi u dirayaa umadda, jaamacadda Hargeysa iyo qoyska reer Cilmi Samatar ee uu ka geeriyooday Marxuum Musue Cabdi Cilmi Samtar.” Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi, waxaanu intaas raaciyay inuu marxuumka u lahaa aqoon badan oo ku siman 40 sanadood, “Marxuumka waxaan u lahaa aqoon gaadhaysa 40 sannadood waxaanan ahayn saaxiib lilaahi ah,  waxaanu ahaa qof gutay waajibaadkiisii, Allena waxaan ka baryayaa inuu bedelkiisa ina siiyo, isagana naxariistii janno ka waraabiyo.”

Marxuum Muuse, ayaa ahaa shakhsi macalinimada iyo hawlaha kala duwan ee dalka ku soo dhex jiray muddo ku siman 50 sannadood, waxaanu ahaa shakhsi cibaado badan oo edeb iyo akhlaaq leh.

Comments are closed.