Aargoosiga Diblumaasiyadda: Amiir Maxamed Ka Sucuudiga Oo 45 Daqiiqo Ka Dib Dhacay Ballan Uu La’ Lahaa Xoghayaha Guud Ee Qaramada Si Uu Uga Aargoosto

0
528

1Riyaad (Geeska)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa arbacadii toddobaadkii ina dhaafay la kulmay Dhaxal-suge ku xigeenka boqortooyada Sucuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan si uu ugu xaqiijiyo in ku darista xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee weerarka ku haysa Yemen lagu daray liiska madow ee Qaramada Midoobey, kadib markii lagu eedeeyey in ay carruur dileen aanay ku iman cadho uu xoghayuhu u qabo Amiirka.

Amiirka oo isla markaana ah wasiirka difaaca ee boqortooyada ayaa toddobaadkan booqasho ku joogay magaalada New York ee dalka Maraykanka, si uu kulamo uga qaato hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee dunida, masuuliyiin ka tirsan qaramada Midoobey ayaana mar sii horreysay oo bishii Juun ah sheegay in Sucuudigu uu ugu hanjabay Qaramada Midoobey in liiskaa Qaramada Midoobey ku dartay ee dalalka ku xad-gudba xuquuqda carruurta awgii ay si weyn u dhimmi doonaan caawimooyinka ay Qaramada Midoobey ku siiyaan barnaamijka caawimada Falastiiniyiiinta iyo lacago kale oo uu Sucuudigu Qaramada Mdoobey siiyo, haddii aan sida ugu dhaqsaha badan magaca Isbahaysiga uu hoggaamiyo ee Yemen ka dagaallama looga saarin liiskan.

In kasta oo aan la xaqiijin hanjabaaddaas, Sucuudiguna diiday, haddana waxaa dad badan yaab ku noqotay markii muddo aad u gaaban gudaheed uu xoghaye Ban Ki Moon dhaqso Sucuudiga uga saaray liiskaas Qaramada Midoobey ay geliso dalalka xilliyada dagaalka dila ee ku xadgudba xuquuqda carruurta ee weliba uu si cad u naqdiyey cadaadis uu Sucuudigu arrintaas ku saaray.

In kasta oo Amiirku markii uu kulankan Ban Ki Moon ku sii socday sheegay in aanu u cadhaysnayn xoghayaha guud, isla markaana kulanka kadib aanu ka jawaabin waxa ay is yidhaahdeen isaga iyo Ban Ki Moon, haddana waxa ay masuuliyiin xogogaal ahi sheegeen in kulanku si fiican u dhacay.

Amiir maxamed Ayaa muddo 45 daqiiqo ah ka dib dhacay waqtigii ballanta uu la’ lahaa xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon oo isagu goobta ballanta muddadaasba ku sugayey, sidoo kale waxa aan kulanka labada masuul ka soo qayb gelin Layla Saruuqi oo ah wakiilka Qaramada Midoobey ee u gaarka ah xuquuqda carruurta ee xilliyada dagaalka, gabadhaas oo la aaminsan yahay in ay iyadu sabab u ahayd in Sucuudiga liiskan lagu daro, aadna uga cadhootay markii xoghayaha guud uu ka saaray liiska, isaga oo sida la sheegayo u hoggaansamay hanjabaaddaas aynu soo xusnay iyo weliba masuuliyiinta Boqortooyada oo sheegay in ay culimada diinta Islaamka ka dalban doonaan in ay soo saaraan Fatwo caddaynaysa in ay Qaramada Midoobey cadow ku tahay Muslimiinta.

In Layala Saruuqi laga reebo kulanka uu Amiirku la yeelanayo xoghayaha guud, isla markaana uu muddo 45 daqiiqo ka dib dhaco ballanta uu la’ lahaa xoghayaha guud ayaa la sheegay in ay ahayd tallaabooyin uu si badheedh ah u qaaday amiirka dhiirran ee Sucuudiga ahi, isaga oo muujinaya in ixtiraamka uu u hayo Qaramada Midoobey hoos u dhacay si uu ugaga aargoosto liiska lagu daray, walow dhaqso looga saaray.