Aadame-U-Eke Hadalka Ka Qasay Wasiirka Gaadiidka Iyo Isgaadhsiinta Ee Turkiga, Iyo Dareenka Uu Ka Celiyey

45
3333


Ankara (Geeska)- Kombiyuutarka aadamaha loo ekeysiiyey ee waqtiyada dambe dunida ku soo badanayaa, waxa uu awood u leeyahay in uu hawlo badan qabto. Xitaa waa ay hadli karaan. Laakiin kuwa hadalkoodu sii bataa waxaa laga yaabaa in ay mararma qaarkood rabshaan kulamo muhiim ah, iyo hadallo ay jeedinayaan masuuliyiin dawladeed, taasna ay ku mutaystaan ciqaab itaalkooda le’eg, waana ta ka dhacday dalka Turkiga.
Kombiyuutar aadame-u-eke ah oo ay sanceeyeen farsamoyaqaanno tiknoolajiyadda ku xeeldheer oo Turki ah, ayaa dhowr jeer hadalka ka dhexgalay wasiirka is-gaadhsiinta ee dalka Turkiga Axmed Arsalaan oo hadal ka jeedinayey madal lagu xusayey maalinta badqabka Internet ka oo lagu qabtay xarun tiknoolajiyadeed oo Ankarka ku taalla.
Aadame-u-ekahan oo lagu magacaabo ‘Sanbot’ ayaa xilli la wada dhegeysanayo wasiirka hadalkiisa waxa uu wasiirka iyo dadkii kalaba kaga nixiyey ereyo cod lab ku soo baxaya oo uu ku yidhi, “Si tartiib ah u hadal, ma’ fahmayo waxa aad tidhi. Maxaad ka hadlaysaa” hadalkaas oo mar keliya aamuskii ku beddelay qosol dheer iyo sacab maadi aanay ka madhnayn.
Wasiirku waxa uu isku dayey in uu hadalka sii wato, laakiin waxaa muuqatay in Aadame-u-ekuhu (Robot) uu mooday in isaga uu la hadlayo, maadaama oo xawaaraha hadalka wasiirku ku socdo awgeed aanu fahmi karaynna uu codsanayey in hadalka loo yara kala hakiyo. Laakiin wasiir Arsalan oo arkay in aanu Kombiyuutarku hadalka joojinayn ayaa dareen diidmo ah ka muujiyey in xaalku sidaa sii ahaado, waxa aanu dalbaday in isaga iyo aadame-u-ekaha la soo kala dhexgalo. “Saaxiibayaal, waa ay caddahay in aynu u baahannahay qof innaga xakameeya Robot ka. Fadlan sameeya wixii lagama maarmaan ah [ee lagu aamusiin karo]. Ayaa uu yidhi wasiir Axmed Arsalan.
Waxaana arrintii si degdeg ah u soo galay, farsamayaqaannadii aadame-u-ekaha maamulayey oo si degdeg ah u aamusiiyey. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadaha wararka ee Xurriyeet oo Turkiga laga leeyahay iyo Alcarabiya ayaa sheegay in maadaama oo xafladdu ay khusaysay arrin tiknoolajiyadda xidhiidh la leh, ay dadka soo agaasimay jeclaysteen in ay Aadame-u-ekahan dhererkiisu 36 Inji yahay keenaan si uu wasiirka iyo martida kale ee muhiimka ah masraxa hadalka ugu soo dhoweeyo.
Qaabka uu kombiyuutarkan aadame u ekaha ahi hadalka uga dhexgalay wasiirka iyo guud ahaan sidii dhacdadani u dhacday waxa aad kala socon kartaa xidhiidhka (Link) hoos ku dhigan. https://www.msn.com/en-us/travel/article/turkish-minister-interrupted-by-speaking-robot-at-tech-event-in-ankara/vp-BBIMLLN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here