Aabo Sidiibaan Wali Dhuuxaaga Uga Soo Dhex Heesayaa!!

0
5885

Maxamed-taajir

Waan jeclaa inaan yimaado aduunkan quruxda badan, inaan daawado qoraxda subixii soo baxaysa,habeenka madaw ee hadana ay caawinayaan dayaxa iyo xidhigaha sida dahabka u soo dhalaalaya,dhirta bixinaysa ubaxa iyo urta kala jaadka ah, waan rabay inaan indho caafimaad qaba ku daawado mawjadaha bada ee dhulka soo dhirbaaxaya.

Aabo, maxaa dhacay ee aad aduunka dadka ku soo biira iiga dhigi wayday, aabo anigu adiga waan ku jeclahay inkasta oo aanan aqoon hooyada i’dhali toonta hadana waan dhex joogaa hada dunidaada gudaha, waa meel cidhiidhi badan, kulul oo ay raaxadu ku yartahay, waxaan rajeeyaa inaan mar uun dunida balaadhan, iftiimaysa,hawada leh ee quruxda badan aan u soo baxo.

Aabo, nabi Muxamed CSW waxa uu muslimiinta u sheegay inay ubad badan dhalaan si umada ugu badan maalinta qiyaamaha ay umadiisu u noqto, maan doonayan inaan sidaas oo dhan kuugu sii dheeraado laakiin xilkaas maad gudan hada, waxad jeceshay inaad inbadan igu go’doomiso halkan oo ah meel wax badan oo loo xiisaa aanay jirin.

waxaan jeclaan lahaa ciyaarta caruurta qayrkay ah ee ay dhaleen aabayaasha adiga kula filka ah, aabo inbadan waan kaa maqlaa inaad doonayso in nolol fiican aad iisii qorshayso, inaad horumarkayga iyo farxadaydaba aad ka taliso, aabo waan ka dharagsanahay inaad qorshaysay magacyada quruxda badan ee aad iibixin lahayd,waan ogahay inaad ii raadinayso hooyo wanaagsan oo aan ka helo daryeel iga saacida farxada nolasha ee la wada raadinaayo, laakiin waxa ii muuqata in aad xoogaa ila soo habsaantay, in irada inaad iga furto aanad wali jeclaysan aniguna halkan inaan sii joogo ma doonayo oo waan nacay.

Aabo aduunku waa mid hawliisa wata laakiin waxa uu ku fiican yahay ruuxa nolasha dunida ku soo biira ayuunbaa yaalanaaya xus oo heli kara macaanka iyo qadhaadhka aduun iyo aakhiraba, aabo ma doonayo inay nolashaydu ay baaqi ku noqoto adiga dhuuxaaga oo aanan ka qayb noqon wanaaga badan ee dadka dunida lagu xusi doono marka janada la dago.

Si kasta oo ay tahay aabo wali waxaan ku kalsoonay inaad tahay aabo wanaagsan, inaad gudan doonto xilkaaga iyo inaad ku hawlantahay waxbadan oo aniga nolashayda wanaajin doona, talada rabigaa u daa, adigu samee wax kasta oo aad wax buuran ku samaynayso insha allaah guul balaadhan iyo duco ayaan kaaga soo dirayaa dhuuxaaga iyo meel cidhiidhi ah oo aan hada ku noolahay.

M.Taajir