Aabaha Oo La Ciyaara Ubadkooda, Guriga Dibaddiisana U Saaraa Waxa Ay U Fiican Tahay Caafimaadka Ilmaha

0
773

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in aabayaasha ka qayb qaata korniinka ubadkooda, ay sabab u noqdaan in caafimaadka ubadku wanaagsanaado iyo in ubadkaasi aanay noqon kuwo miisaankoodu uu ka naaxsanaado inta caafimaad ahaan saxda ah.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in xaddiga aabuhu uu ka qaybqaato hawlaha la xidhiidha korniinka iyo daryeelka ubadka yaryar, sida cunto u diyaarintooda, la ciyaaristooda iyo in uu guriga ka saaro marar, iyo sida oo kale in uu saamayn ku yeesho cuntadooda iyo caafimaadkooda inta ay da’doodu u dhexeyso Laba illaa Afar sano in uu kaalin ku yeesho noloshooda mustaqbalka.

Daraasaddu waxa ay iftiimisay in carruurta ay aabayaashooda waqti badan kula qaataan ciyaarta, dalxiis geynta iyo guri ka saarista marka ay da’doodu afar sano gaadho ay ku yaraato khatarta ah in ay noqdaan dadka miisaankoodu u kordho si ka badan inta caafimaad ahaan saxda ah, marka la barbardhigo ubadka aan fursaddaas ka helin aabayaashooda inta ay da’doodu u dhexeyso Laba illaa afar sano. Waxa ay daraasaddu sheegtay in hawl kasta oo uu aabuhu geliyo ilmaha, sida in uu ka caawiyo dhar xidhashada, maydhashada jidhka, cadayashada iyo xitaa hurdada ay raadkaas fiican ku yeelato caafimaadkooda.

Philip Morgan oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda New Cassle ee dalka Ustareeliya ayaa mar uu natiijada daraasaddan ka hadlay waxa uu yidhi, “Marka uu aabuhu carruurtiisa u kaxeeyo guriga bannaankiisa, si ay u soo ciyaaraan waxa ay inta badan soo helaan faa’idooyin kale oo ay ka mid tahay in habdhaqanka iyo anshaxa bulsho dhexgalka bartaan, tusaale ahaan sida loo sheekaysto ee la isu dhegeysto sida loo fadhiisto iwm. Taas oo aad uga duwan marka ilmaha lagu daayo guriga gudihiisa ee uu talefishanka uun daawado, cuntadana cuno sida in badan dhacda”