Aabaha Ayaa Mar Kasta Sabab U Ah Lab Iyo Dheddig Ka Uu Noqonayo Jinsiga Ilmaha Dhalanayaa

0
1197

Picture1Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Waxaa jira dad badan oo aan si caadiya dhaqso ugu qancin in ay kala duwan tahay maskaxda ninka iyo gabadhu, ama marar badan ay maskaxdooda ku soo dhacdo su’aasha ah, ‘Sidee ay u kala duwan tahay maskaxda ninka iyo gabadhu?’ gaar ahaan marka aynu fiirinno wax yaabaha ay ragga iyo dumarku ku kala duwan yihiin iyo saamaynta ay ku leedahay aragtida ay labada jinsi ku eegayaan dunida iyo weliba kartidooda iyo qaab macaamilkooda, waxaa laga yaabaa in dumarka qaar ay ku doodaan in tilmaamahaas lagu sheegay aanay iyagu lahayn, waana suurtogalba in ragga qaar qudhoodu arrintaas diidaan. Haddaba diidmadaas qudheeda ayaa leh laba tafsiir oo cilmi ah, waxa aanay kala yihiin:

Abuurka Aadamaha:

Marka aynu si guud u hadalno, waxaa hubaal ah in aanu qofna igu diidayn, haddii aan idhaahdo ninka ayaa ka dheer gabadha. Xataa innaga oo mar kasta aragna dumar dhaadheer, oo qaarkood rag badan ka dheer yihiin. Sababta aynu taas u aqbalnaa waa innaga oo og in waxa aynu ka hadlaynaa uu yahay celceliska guud.

Marka aynu u nimaadno abuurka aadamaha, waxa uu cilmigu xaqiijiyey in qofka bani’aadamka ahi uu ka samaysmo 46 isku-dhiska Chromosome ah oo uu ilmuhu si isku mid ah uga soo kala qaato labadiisa waalid. 23ka Chromosome ee uu ilmuhu marka uu samaysmayo ka soo qaato hooyadii, waxaa lagu magacaabaa X (Eges) oo ah xarafka 24aad ee xarfaha afka Ingiriisiga, sababta magacaas loo bixiyeyna waa Chromosome kaas oo mar kasta u samaysan qaabka X, halka raggana uu is bed-beddelo oo uu mar noqdo xarafka X, marna noqdo, qaab-samays u eeg Y sidaa awgeedna lagu magacaabo Y (Waay oo ah xarafka 25aad ee xarfaha Afka Ingiriisiga).

Haddaba marka Chromosome ka ninku uu noqdo Xarafka X ilmaha dhalanaya jinsigiisu waxa uu noqdaa dheddig, haddii Koromosoonka ninku noqoto Y-na ilmuhu waxa uu noqdaa wiil. Laakiin sida uu cilmia Saynisku caddeeyey Lixda toddobaad ee ugu horreeya ilmaha uurka ku jiraa labada jinsi midna kuma tirsanaan karo, markaa kadib ayaanu bilowdaa in uu ilmuhu wiil noqdo haddii Chromosome kiisu uu noqdo 23 = X Y oo uu jidhku soo daaya hormoonnadii laboodka, haddii kale oo laba X X uu noqdana uu soo daayaa kuwii dheddiga si uu gabadh u noqdo.