Kooxda Bayern Munich Oo Xalay Markii Lixaad Ku Guuleysatay Koobka Champions League

1
1049

Picture1Kooxda Bayern Munich ayaa habeenkii xalay ku guuleysatay koobka dhagaha weyn leh ee Champions League ka dib markii ay kooxda Borussia Dortmund kaga badisay 2-1. Gool aakhirkii ciyaarta uu dhaliyay Arjen Robben ayaa kooxda Bayern Munich ku hogaamiyay hanashada Champions League. Kooxda Dortmund ayaa xalay ciyaarta ku bilaabatay si ka fiican dhigooda Bayern Munich, waxaana labada kooxoodba ay qabtii hore ee ciyaarta fursado baddan oo ay iska lumiyeen ay ku kala baxeen barbar dhac, waxaana  qaybtii hore ee ciyaarta bilawgii haysatay kooxda Dortmund isla markaana qeybihii danbe ay Bayern Munich la wareegtay ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaana ku bilaabatay si isku dheeli tiran, iyadoo fursadii ugu fiicnayd ee ugu horaysay ay ku dhacday madaxa Mandzukic laakiin goolhayaha Dortmund ayaa si raaxo leh iskugu duubay daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta. Saacad markii ay u buuxsantay ciyaarta ayaa kooxda Bayern Munich ay u suurto gashay inay hogaanka u qabato ciyaarta, Ribery oo dhanka bidix ka soo galay xerada goolka ayaa kubad u dhigay Robben kaas oo isna kubad ka soo dhigay xariiqda bidix isagoo soo hor mariyay goolka waxaana shabaqa ku taabtay Mandzukic oo diyaar u ahaa inuu goolka dhaliyo. . Waxaana ay taasi ciyaarta ka dhigtay inay kooxda Bayern Munich hogaanka ku qabato 1-0, isla markaana ay aamusiyaan taageerayaasha kooxda Borussia Dortmund oo inta baddan sawaxan ku haystay garoonka Wembley Stadium.

Mandzukic ayaana ciyaaryahankii labaad ee Croatia ah ee gool ka dhaliya final koob Europe ah. Boban ayaa gool u dhaliyay AC Milan 1995tii European Super Cup. Daqiiqadii 69-aad ayaana Borussia Dortmund ay u suurto gashay inay barbarayso ciyaarta markii Dante uu khalad xun diilinta ganaaxa dhexdeeda kula galay Reus taas oo keentay in garsooraha Talyaaniga uu tilmaamo rikoodhe. Gundogan ayaa u soo istaagay gool ku laadka isagoo dhinac iskaga diray Neuer isla markana si habsami leh kubada ugu hubsaday shabaqa ciyaartana ka dhigay barbaro 1-1 ah. Daqiiqadii 72-aad ayaana Bayern Munich ay u dhawaatay inay hogaanka ku soo laabato ka dib markii ay Counter-attack fiican soo qaadeen, Thomas Muller ayaa kubad loogu dhiibay xerada ganaaxa dhexdeeda, waxaana uu soo dhigay baas khatar ah oo soo hareer maray goolhayaha Dortmund, Robben ayaa u dhawaa inuu shabaqa uun ku taabto laakiin Subotic ayaa kubada ka badbaadiyay xariiqda goolka oo banaanka u saaray.

Saddex daqiiqo ka dib Alaba ayaa meel 20 yard u jirta goolka ka soo tuuray kubad gantaal aheyd, laakiin waxaa u babac dhigay oo celiyay goolhaye Roman Weidenfeller. Weidenfeller ayaa fursad kale oo halis aheyd ka badbaadiyay Schweinsteiger kaas oo kubad aad u xoogan afka hore ee xerada goolka ka tuuray. Ciyaarta oo laba daqiiqo dhiman ayaana kooxda Bayern Munich ay heshay goolkii guusha taas oo gacanta u gelisay koobka Champions League, ka dib markii kubad dheer oo la soo dhigay uu Ribery cidhib ugu dhigay Arjen Robben kaas oo isna daba mariyay goolhayaha Dortmund ciyaartana ka dhigtay 2-1.Goolkaas uu dhaliyay xiddiga reer Holland ayaana Bayern Munich gacanta u gelisay koobka Champions League markii shanaad ee taariikhdooda.

Comments are closed.