Dawladda Somaliya Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Hadal Uu Siyaasi Kenyan Ahi Ku Sheegay In Dalkiisu Aqoonsado Somaliland, Qaadka Miiroogana Keeno

0
615

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cadho leh uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha gobalka Meru ee dalka Kenya Mr.  Peter Munya.

1

Guddoomiye Peter Munya oo ah siyaasi awood badan ku leh dalka Kenya, ayaa wuxuu caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku yimid socdaal uu ku doonayo in qaadka Miirooga la keeno Somaliland, waxaanu kulamo la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo masuuliyiin kale, waxaanu sheegay in Kenya oo qaadka Miirooga Somaliland keentaa ay ka heli doonto dakhli adag.

Wuxuu guddoomiye Peter Munya soo jeediyay in la magacaabo guddi farsamo oo dib u eegis ku samaysa cashuurta qaadkaas laga qaado, islamarkaana Somaliland kala xaajooda inay Kenya siiso nooc aqoonsi oo ay Kenya ku aqoonsato Somaliland, waxaanu cadeeyay inuu wasiirka khaarajiga Kenya u bandhigi doono warbixin ku saabsan arrintan.

Cadhada Somaliya

Haddaba, waxa hadalkan badhasaabka Kenyanka ah ka cadhootay dawladda Somaliya oo ku tilmaantay mid aan la aqbali karin, waxaanay sheegtay in hadalka badhasaabka Kenya yahay war aan fiicnayn.

Wasiirka qorshaynta Somaliya Mr. Cabdiraxmaan Caynte, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu kaga jawaabay hadalkan,  “War aan fiicnayn ayaa ka soo yeedhay badhasaab Gobal oo Kenya ah.” ayuu yidhi Mr. Caynte oo intaas raaciyay “Ganacsiga waa la soo dhawaynayaa, laakiin midnimada dhuleed ee Somaliya waa lama taab-taan.”

Wasiir Caynte, wuxuu sidoo kale dawladda Ingiriiska ku bogaadiyay xayiraadda ay saartay qaadka Miirooga ee Kenya, “waxaan soo dhawaynayaa go’aanka uu Ingiriisku xayiraadda ku saaray qaadka.” ayuu yidhi, isagoo geesta kale soo jeediyay in la helo dakhli kale oo loogu bedelo dadka ka ganacsada qaadka.