Madaxweyne Siilaanyo Oo Saddex Bilood Ka Dib Buuxin Kari La’ Taliyaha Ciidanka Badda

0
554

Hargeysa(Geeska)-29 April 2016 ayay ahayd markii uu Madaxweyne Siilaanyo goor habeenimo si kedis ah xilkii uga qaaday taliyihii ciidanka badda Sareeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal.

1

Saddex bilood ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu labadan masuul xilka ka qaaday. Hase yeeshee waxa madaxweyne Siilaanyo ku adkaatay inuu buuxiyo labadan xil, gaar ahaan xilka taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha iyo badda oo marka ahmiyadiisa la eego ay adagtahay in ciidanku bilaa taliye noqdo wax maalmo ka badan.

Taliska ciidanka badda, ayaa ah ciidan muhiim gaar ah u leh Somaliland, maadaama oo ay yihiin ciidanka  qaabilsan arrimaha budhcad badeeda oo xidhiidh wada shaqayneed oo toos ah la leh dalalka gobalka Geeska Afrika ka caawiya la dagaalanka budhcad badeeda, kuwaas oo tababaro kala duwan oo muhiim ah siiya ciidamada badda ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa laba goor ka qayb galay munaasibad ay ciidanka boqortoyada Ingiriisku markab dushii oo Berbera joogay ugu qabteen ciidanka badda Somalialnd oo dhammaystay tababar muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta badda iyo xeebaha Somaliland.

Haddaba; waxa dad badan yaab ku noqotay sababta uu Madaxweyne Siilaanyo saddex bilood ka dib ciidanka ahmiyadaas leh ugu magacaabi la’yahay taliye, waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa arrintan ku xidhiidhinayaan meelo kala duwan oo isugu jira hoggaaminta iyo qorshe la’aan.