Xildhibaan Cumar Waaye Oo Ka Hadlay Doorashada Golaha Guurtida

0
741

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ka hadlay Doorashada Golaha Guurtida, waxaanu tilmaamay in ilaa hadda la dajin xeerkii lagu soo dooran lahaa Guurtida, waxaanu ku taliyey in aad looga baaran dego, oo aad looga fiirsado.

1

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay in muddo kordhin dambe loo sameeyo Madaxtooyada iyo Golayaasha Sharci dejinta, waxaanu sheegay in aanay Shacabku raali ka ahayn muddo kordhin dambe, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Doorashada Golaha Guurtida iyo Xeerkoodu waa xeer adag  in aad looga baaran dagana uu u baahan yahay, culays badana in la saaro uu u baahan, Guurtida markii hore qaab sahlan baa lagu soo doortay, waxaana Golaha Guurtidu samaysmay dhawr iyo laabatan sanno ka hor, xilligaas iyo maanta farqi weyn baa u dhexeeya, xilligaas Beel waliba waxay lahayd hal Suldaan, Xukuumuadduna Suldaanka ayey u xil saaraysay oo ay lahayd reerkiinu saamigaas buu helay, ee soo door Suldaankaas baa doorayey, maantana Suldaankii qudha ma jiro, halkii uu Suldaanka qudhi jooge niman ilaa 15 oo Suldaano sheeganaya ayaa jooga, Doorashada Guurtidu sidii hore wey ka bedelantay ee waxay u baahan tahay in aad looga fikiro, oo sharcigu sidii hore uu ka bedelan yahay ee waa in aad looga fikira siday ku imanayaan Golaha Guurtida dambe, dad badani waxay jecel yihiin in halkii hore laga wado, dad badana waxay jecel yihiin in halkii hore waxba ku socon mayaana in laga bedelo, dad badan baa jecel in Gobol lagu saleeyo, oo Gobol ka yimaadana oo Gobolo loo qaybiyo, xeerka Guurtidu ku imanaysaa maaha mid sahlan, ee waxa weeye in Madaxweynaha iyo wax-garadka culus ee dalku leeyahay inay qaabeeyaan sida ay u dhacayso Doorashada Guurtidu”

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye ayaa mar uu ka digaayey muddo kordhin dambe oo timaada ayaa yidhi “Waxaan leeyahay muddo kordhinta wax alaale wax faa’iido ah oo ku jiraa ma jiraan, Shacab weynuhuna waxay ku kalsoon yihiin in aanay dhicin wax muddo kordhin la yidhaahdo, Golayaashuna in aanay wax muddo kordhin ah helin, Madaxtooyaduna in aanay wax muddo kordhin ah helin, Shacab weynaha reer Somaliland waxay jecel yihiin in aan muddada loo kordhin Golayaasha iyo Madaxtooyada, Madaxweynuhuna waa kan mar walba leh waa inay Doorasho dhacda, muddo kordhina ma jirto ee waa in hadalkaas Madaxweynahana la tixgaliyaa”.

Dhanka kale  Xildhibaan Cumar Nuur Waaye ayaa ka hadlay arinta saami qaybsiga ee taagan, waxaanu tilmaamay in hore loo dayacay in wax laga qabto arinta saami qaybsiga, waxaanu soo jeediyey in haddii hadda xal loo waayo in sidii hore lagu galo Doorashada Golaha Wakiilada, si aanay Doorashadu dib uga dhicin wakhtigii loogu tala. alay, kadibna laga baaran taaga oo wax laga qabta.

Dhinaca kale wuxuu Xildhibaanka baaq u diray Puntland, oo uu ugu baaqay inay xadkeeda ku eekato oo aanay ku soo xad gudbin Xuduudaha Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in nabadayntii Beelaha Dharkeen-geenyo ay hadda meel fiican marayso.