Rasmi: Kooxda Manchester City Oo Dhamaystirtay Saxeexa Da’yarka Reer Germany Iyo Kooxda Schalke

0
995

Tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa sameeyey talaabo uu hore ugu marinyo kooxdiisa uu dhawaan qabsaday ee City, waxaanu lasoo wareegay xidig da’yar oo Jarmalka u dhashay.

germMan City ayaana 42 Million oo Euro kula soo wareegtay xidiga Leroy Sane kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Schalke, waxaanu noqonayaa Xidigii ugu qaalisanaa ee Jarmal ah marka laga yimaado Mesut Ozil oo 42.5 ugu wareegay koxoda Arsenal.

Leroy Sane ayaana u saxeexay qandaraas dhan 4 sanno, kaas oo uu wiigii ku qaadan doono lacag gaadhaysa 100,000. Kooxda Schelke ayaana maalinkii salaasada qirtay inuu xidigan 20 jirka ahi ka tagay kooxdooda, iyadoo si rasmiya ugu baahisay Website-keeda.

Pep Guardiola ayaana Sheegay in Xidigani u yahay Muhiim guulaha kooxda ee Mustaqbalka, waxaana uu muujiyey niyad samaan. Dhanka kale xidigani ayaa si degdega usoo shaac saaray xirfadiisa kubada cagta, waxaanu sanadkan la socday kooxdii Jarmalka ee ciyaaraysay Euro 2016, wallow uu soo muuqday Dhawr kulan oo uu ugu muhiimsanaa kulankii France iyo Germany.

Ugu dambayn xidigani, ayaa u saftay kooxdiisa sanadkan 42 Ciyaarood isagoo dhaliyey 9 Gool, waxaanu dhanka kale u ciyaaray Xulkiisa Germany 4  Ciyaarood oo kaliya.