Xidhiidhka Kubada Cagta Ee England (FA) Oo Soo Kordhiyey Sharciyo Cusub

0
988

CnzjNHnXYAU6vyOXidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska, oo ay waheliyaan Maamulka horyaalka Premier League-ga, iyo English Football League iyo Sidoo kale kooxaha horyaalada Ingiriiska ayaa wada xaajood ka yeeshay sharci cusub oo lagu soo kordhinayo horyaalada kala duwan ee Wadanka Ingiriiska. Hadaba sharcigan ayaa ujeedadiisu tahay sidii hoos loogu dhigi lahaa Dhaqan xumada ay ku kacaan qaar kamid ah ciyaar yahanada iyo tabobarayaasha kooxaha ka ciyaara wadankaasi.

Sharcigan cusub ayaa ciqaabi doona ciyaar yahanadii Muranka badnaa ama erayo aflagaado ah kula kici jiray Garsooraha, waxaana ay tahay inay ka taxadiraan sharcigan oo aad u adag, waxa uu sheegayaa in lasiin doono Kaadhka Casaanka ah.

Sidoo kale ciyaartoy kasta oo garsooraha ku soo orda isaga oo ka cadhaysan go’aan uu gaadhay waxa la siin doonaa kaadhka digniinta ah halka haddii laba ama wax ka badan oo ciyaartoy ahi ay isku xeeraan garsooraha uu ugu yaraan kaadhka digniinta ah siin doono hal ciyaartoy. Waxaana la doonayaa in meesha lagaga saaro ciyaartoyda isku kooxda ah ee garsooraha isku xeerta marka uu gaadho go’aan ayna raali ka ahayn.

 

Kooxda West Brom ayaa xili ciyaareedkii hore hal kulan qaadatay sagaal kaadh oo digniin ah waana kooxda ay tirada ugu badan ee ciyaartoydeeda ahi ay hal kulan qaataan tiro intan leeg.  Goobaha farsamada iyo tababarayaasha ayaa il gaar ah lagu fiirin doonaa iyaga oo ciqaab la kulmi doona haddii ay garsooraha wax ka sheegaan.

 Sharcigan ayaa ciyaar yahanadu mutaysan doonaan kaadhka Digniinta ah hadii uu sameeyo

  • Dhaqan kasta oo ixtiraam daro ka muuqato oo  lagula kaco Garsooraha
  • Falcelin cadho leh oo lagaga jawaabayo go’aan uu garsooruhu qaatay.
  • In garsooraha si fool-ka-fool ah looga hor yimaado oo ciyaar yahanku uu garsooraha cadho kula dhaco.
  • In Garsooraha lagu soo ordo iyada oo laga gadoodayo go’aan uu gaadhay awgeed.
  • In garsooraha la taabto xiliyada ciyaarta lagu gudo jiro cadho ama cadho la’aan.
  • Haddii ay laba ciyaar yahan ama wax kabadani isku-xeeraan garsooraha ugu yaraan hal kaadh digniin ayuu bixinayaa.

 

Sidoo kale Sharcigan ayaa ciyaar yahanadu mutaysan doonaan kaadhka Cas hadii uu sameeyo

  • Ciyaaryahanku is hor taago, ama aflagaadeeyo  garsooraha ciyaarah
  • Iyo in ciyaar yahanku soo qabto ama taabto isagoo cadhaysan garsoorayaasha ciyaarta.