Khamiis Ilaa Khamiis: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Safarkiisii Maxaa War Laga Hayaa?

0
903

Hargeysa(Geeska)-Maanta waa maalintii 8aad ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku maqanyahay safar gaar ah oo uu ugu baxay dalka Turkiga. Wuxuu baxay khamiistii toddobaadkii hore. Madaxtooyada ayaa safarka Madaxweynaha ku sheegtay inuu yahay mid gaar ah.

1

Markii uu dalka Turkiga habeen joogay waxa ka dhacay inqilaab fashilmay, waxaanay bulshada Somaliland wax iska weydiisay xaalada madaxweynahoodii dalkaas xasaradu ka oogantay joogay. Laakiin Madaxtooyada ayaa war kooban oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in madaxweynuhu nabad qabo, kuna suganyahay magaalo ka fog magaalooyinka lagu loolamayay.

Hase yeeshee,  wixii markaas ka dambeeyay ma jiro wax war ah oo laga helay madaxweynaha iyo qoyskiisa oo la socday, waxaanay bulshadu goobaha warbaahinta ku soo dirtay su’aalo badan oo la xidhiidho in wax war ah laga hayo madaxweyne Siilaanyo iyo xaaladiisa.

Haddaba, wuxuu wargeyska Geeska Afrika xalay la waraystay afhayeenka madaxtooyada Mr. Cabdiraxmaan Shamax si uu uga jawaabo su’aalaha ay umadu warbaahinta soo weydiinayso.

Wargeysku, wuxuu afhayeenka weydiiyay wuxuu madaxweynihii war ka hayo, waxaanu afhayeenku ku jawaabay “Odaygu [Madaxweynaha] meel kale ma joogo ee halkii aynu ku ogeyn oo ah Turkiga ayuu jooga, waanu soo tabaabushaysanayaa waana uu inagu soo socdaa haddi ALLE yidhaah, waanu inagu soo noqonaya caafimaadkiisa iyo wax walibana waa caadi, aniguna waa anigii odhan jiray Madaxweynuhu hawsha ayuu ka yara nasayaa ee waa caadi”.

Afhayeenka wuxuu wargeysku weydiiyay inuu ka jawaabo dareenka ay bulshadu qabto ee ah xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha, waxaanu yidhi  “Inaga waxa la inagula balamay inay tahay macno nasasho uune, Caafimaad maanu ogeyn manaan sheegin, marna maanu sheegin, la inooma baahin anigana la iima sheegin, waanu nabad qabaa, caafimaad qabna wuu ku tagay caafimaad qabna wuu ku imanaya haddii ALLE yidhaah, waanu soo socdaa.”

Haddaba, waxa la sii weydiiyay bal wakhtiga uu madaxweynuhu dalka ku soo noqonayo, waxaanu yidhi  “Saacad uu imanayo ayeynaan sheegi Karin laakiin wuu soo tabaabushaystay,oo xaggii wuu ka soo tabaabushaystay.”