Natiijadii Dacwadii Faysal iyo Jamaal Oo Maanta Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqayo

0
869

Hargeysa(Geeska)-Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa maanta ku dhawaaqaya dacwada siyaasadeed ee xisbiga UCID ee u dhaxaysay guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen.

1

Guddiga ayaa la filayaa inay shirjaraa’id maanta kaga dhawaaqaan natiijada dacwadii ay ka garnaqayeen ee u dhaxaysay Faysal iyo Jamaal oo si weyn isugu maandhaafsan xisbiga.

Kulanka lagaga dhawaaqayo natiijada waxa si rasmi ah loogu casuumay Faysal iyo Jamaal oo la sheegay inay guddigu ku soo wargelisay inay

Guddiga ayaa bil iyo badh ka dib maanta laga sugayaa inay shacabka u soo bandhigaan dacwadii siyaasadeed ee u horaysay ee ay ka garnaqeen, waxaanay dacwada labada siyaasi dhagaysteen maalin qudha oo ahayd 12 June.

Shacabka ayaa si weyn isha ugu haya natiijada ka soo bixi doonta guddigan taas oo saamayn ku yeelan doonta mustaqbalkooda iyo sida mar labaad lagu aamini karo.