Faa’idooyinka Caafimaad Ee JidhKu Uu Toonta Ka Helo Marka Aroorta Hore La Cuno

0
1080

1Qaahira (Geeska)- In kasta oo ay dad badani aaminsan yihiin in toonta oo la cuno marka ay calooshu madhantahay ay dhibaato keeni karto, waxaa fahamkaas si adag uga hor imanaysa natiijada daraasad daahfurtay in toontu ay waqtigaas oo kale dawo ka tahay dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan, gaar ahaan in marka waqtigan oo kale la joogteeyo cunista toonta ay jidhka siiso awood xooggan oo uu kaga hortegi karo duullaan kasta oo cudur oo jidhkiisa soo gala.

Sida ku cad warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey shabakadda Bold Sky ee arrimaha caafimaadka wax ka qora, subaxdii inta aan la quraacan oo toon la cunaa ay caawiso in dhiig karka aadka u sarreeyaa dego, in wareegga dhiiggu uu firfircoonaado iyo in uu wanaajiyo shaqo gudashada beerka iyo kaadi-haysta. Faa’idooyinka kale ee toonta xilliga la cuno laga helo waxaa ka mid ah in ay joojiso shubanka, in ay wanaajiso doonista cuntada (Amateedka), in ay xoojiso hawsha dheefshiidka, in ay xoojiso habdhiska neerfaha iyo in ay qofka nafsiyan u daweyso oo tusaale ahaan ay yarayso dareenka sakatiga iyo cabsida nafsiga ah.

Toontu waxaa ku jira curiyeyaal awood badan oo jidhka ka ilaaliya sumowg cunt aka dhasha.

Digniin: Haddii uu qofku leeyahay nabar-calooleed (Gaasteri Nabar ku noqday) waxaa waajib ah in aanu toonta cunin xilliga ay calooshiisu madhan taay, haddii aanu dhakhtarkiisu sidaas kula talin.