Digniin Caafimaad: Naftaada U Nax Si Aad Uga Badbaaddo Cudurka Macaanka

0
859

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in culayska badan oo nafta laga yareeyo iyo in aan si kallifaad iyo qallafsanaan ah qofku naftiisa ula xisaabtamin ee u u naxariisto canaantana isaga yareeyaa ay si weyn dadka macaanka qaba uga caawiso in ay cudurka xakamayn karaan.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo u warramay Joornaalka Diabetes Care oo ka faallooda cudurka Macaanka ayaa sheegay in ay dhacdo in cudurkani uu qofka ku keeno sakati iyo warwar joogto ah, Jooornaalka Diabetes Care oo uu Geeska Afrika warkiisan soo turjumay waxa uu intaas ku sii daray, “Baahida uu qofku u qabo in uu si joogto ah u xakameeyo heerka macaankiisa dhiigga ayaa ah fursad maalinleh ugu keenaysa niyad xumo, warwar iyo sakati, taas oo aakirkana isu beddesha in uu naftiisa canaanto. In nafta loo dhibirsanaado waxaa suurtogal ah in ay qayb weyn ka qaadato hoos u dhigidda raadadka nafsiga ah ee ka dhasha cudurka macaanka”

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in qofka oo aad u yareeya cabsida nafsiga ah eek a dhalata xakamaynta macaanku ay inta badan keento raad taban oo qofka jiidhkiisa laga dareemo in uu ka soo raynayo. Alisa Mack Olive oo ah dhakhtarad ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah oo ka tirsan Jimciyadda Caafimaadka Nafsiga ah ee dalka Maraykanka, balse aan ka mid ahayn xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey ayaa mar ay ka hadlaysay sababta uu macaanku u keeni karo xaalado nafsi ah waxa ay tidhi, “Qofka macaanka qabaa, nasasho uma taallo, mar waxa uu xakamaynayaa oo tirinayaa xaddiga cuntooyinka macaanka leh ee uu isticmaalay, markaasaa haddana laga rabaa in uu go’aan ka gaadho Insulin ta jidhkiisa, sidaa awgeed sakati iyo cabsi joogto ah weeye maalin kasta ama xitaa saacad kasta” waxa aanay intaas ku dartay in ay run tahay in dadka Macaanka qabaa ay u baahan yihiin in ay naftooda u naxariistaan, waayo waxaa inta badan dhacda in qofku marka uu macaan yeesho naftiisa dib u canaanto, tusaale ahaan waxa uu is weydiinayaa sababta uu miisaanka isaga dhimi waayey, iwm.