Turkiga Maxaa Innaga Dhexeeya? Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Rakuub

0
763

Habeen hore ayey ahayd kolkii warbaahintu mar kaliya soo tabisay in dawladdii Turkiga qayb ka mid ah ciidammadeedii inqilaab ku wadaan. Dadyow badan baa u hurdo seegay in ay la gudhiyaan sida xaal ku dambeeyo. Sida oo kale baraha bulshadu ku wada xidhiidho ku soo bandhiggayey shucuurtooda. Kolkii dambe ee uu dhicisoobayna damaashaad iyo farxad la seexday. Xagga qaar kale na guuldarro iyo murugo la saamalayleen.

Waxa guul u ah Ordugaan, shacbiweynihii Turki iyo guud ahaan inta samaha jecel in uu dhicisoobay shirqoolkii lagu waday. Waxa iyaguna boggaadin mudan shacbiwaynaha reer Turki ee naftooda u huray inay nidaamkoodaa ay u aayeen badbaadsadaan. Ciidammadii Turkiga ee inqilaabka waday sida gobannimada leh ee ay ugu tudhayeen shacbigoodii gadoodsanaa ee mararka qaar fara saarayey ayaa iyaguna ammaan mudan. Hadday ahaan lahayeen ciidammo kale oo aan ku carbisnayn ilaalinta maatidooda si ba’an u gumaadi lahaa.

Intu damaashaadku socday dadyow kale ayaa is waydinayey sababta loogu riyaaqayo guusha Ordugaan?. Qaarkood cuqdaddii calmaaniyadda ayaa haysay oo wadaadkaa loo damaashadayo ayey liqi kari la’ayeen.

Turkiga?

Turkigu waa dal ku yaal labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub; waa dal taariikh ku leh dunida. Waa dal Muslinkiisa lagu qiyaaso %96.1. waa dalka siddeedaad ee dunida ugu quwadda weyn xagga milatariga. Waa dal ku jira labaatanka dal ee loo soo gaabiyo ‘G20’ ee ugu qanisan dunida. Waa dalka lixaad ee ugu koritaanka weyn dhanka dhaqaalaha dunida sida ay tabinaysay IMF warbixinteedi bishii afraad ee sannadkii tagay.Waa dalka afaraad ee deeqda ugu badan siiya dunida saboolka ah. Waa dal uu xukunkiisa hayo halyeey ku jooga rabitaan shacab.

Maxaa innaga dhexeeya?

Dal Islaam ah oo awood; dhaqaale, ciidan iyo isku filnaasho gaadhay dartii ayuu u mutaystay in qof wal oo damiir nool lihi u damqado iilashada ay cadawgiisu doonayeen in ay kursiga ka afgambiyaan halyeygaa.

1

Waxa innaga dhexeeya waxa ka dhexeeya kuwii uu barooranayey maalintii Faransiiska qaraxu ka dhacay. Ee bog wal, iyo idaacad kasta ka caddaynayey taageeradooda iyo garab istaagoogaba. Waxa innaga dhexeeya waxa ka dhexeeya kuwa maalinta yar Yuhuudi ah wax lagu yeelo dhulka Filistiin mar kaliya wada  qayliya. Waxa innaga dhexeeya waxa ka dhexeeya…..

Waxa innaga dhexeeya walaalnimada diinta, in uu yahay dalka maanta ugu quwadda weyn dunida Muslinka dartii in aynnu u danaynayno in quwaddiisu sii taagnaato, halka uu maanta taagan yahayna ugu sii ducayno in uu ka sii hor maro. Dal kasta oo Islaam ah wanaaggiisa iyo horumarkiisa waynnu jecelnahay. Turkiga oo quwadda ugu weyn waddamada Muslimiinta in maanta la wiiqo maaha mid aynnu raalli ka ahaan doonno.

Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Rakuub