Malabka Iyo Qolofalka Oo La Isku Daraa Waa Dawo Dabiici Ah Oo Lagula Tacaali Karo Xanuunno Badan

0
873

1Qaahira (Geeska)- Boqollaal sano ayaa isku darka malabka iyo qolofalka dunida looga isticmaalayey dawo ahaan, waxa aana la aaminsanaa in uu yahay dawo dhaqameed tayo badan oo dhibaatooyin badan oo caafimaad si fiican loogu dabiibi karo. Sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay shabakadda Bold Sky ee ka faalloota arrimaha caafimaadka, isku-darka malabka iyo qolofalka dadkii hore waxa ay ku daweyn xanuunnada qaar, sidoo kalana waxa ay aaminsanaayeen in isticmaalkiisa caadiga ahi u fiican yahay guud ahaanba caafimaadka. Haddaba dhaqankaas soo jireenka ahaa waxaa u marag furtay natiijada cilmibaadhis cusub oo shaaca ka qaadday in Isku-darka Qolafalka iyo Malabku ka hortag fiican u yahay dhaxanta iyo durayga, caabuqa kaadi-haysta, waxa wuu la dagaallamaa Bakteeriyada iyo Fayraska. xubno xanuunka (Xaglaha/Laabatooyinka) iyo xitaa dhibaatooyinka caafimaad ee ku yimaadda xididdada dhiigga. Daraasaddani waxa ay sheegtay in marka xaaladahaa guud laga yimaaddo Isku-darka Malabka iyo Qolafalka si gaar ah loogu adeegsan karo daweynta xaaladahan:

1. Malqacad malabk saafiya ah, in yar oo qolofal budo laga dhigay ah, oo lagu daray koob shaaha cagaaran ah, kadibna maalin kasta la cabbaa waxa ay xoojisaa hab-dhiska difaaca jidhka.

2. Roodhida (Toast) oo lagu daro malab qolofal leh kadibna maalin kasta hal mar la cunaa waxa ay u fiican tahay caafimaadka wadnaha waxa aanay ka hortagtaa in ay xididdada dhiiggu xidhmaan.

3. Laba malqacadood oo malab shinniyeed saafiya ah, iyo malqacad yar oo qolofal budo laga dhigay ah, haddii lagu daro koob biyo diirran ah, kadibna maalin kasta laba jeer la cabbo waxa ay dawo ka noqon karta xubno xanuunka.

4. Koob biyo kulul ah oo lagu daro laba malqacadoood oo malab ah iyo laba malqacadood oo qolofal ah kadibna la cabbaa waxa ay qofka ka ilaaliyaan caabuqa kaadi-haysta ku dhici kara.

5. In yar oo ah qolofal budo ah iyo malqacad malabka shinnida ah, oo la isku walaaqay waxa ay daweysaa Sanboorka, dhaxanta, qufaca iyo hargabka.

6. Laba malqacadood oo ah malab saafiya iyo saddex malqacadood oo ah qolofal budo ah oo lagu daray koob biyo ahi waxa ay xakamaysaa heerka dufanka (Kalastaroolka) dhiigga.

7. Malqacad malab saafiya ah oo lagu daray in yar oo ah qolofal budo laga dhigay ayaa lagu daweyn karaa dhibaatooyinka la xidhiidha hab-dhiska dheefshiidka, sida calool ololka ama laab-dillaaca.