Habka Ugu Wanaagsan Ee Aad Kalastaroolka (Dufankan) Fiican Ee Jidhkaaga U Badani Karto

0
1093

Qaahira (Geeska)- Kalastaroolka fiicani waa dufan (Dux) aad u cufan oo si weyn u caawiya in Kalastaroolka Xun marka ay ka saarayaan jidhka aanu ku kala hadh-hadhin derbiyada xididdada dhiigga kadibna halkaas ku ururin oo aakhirka anau xidhin. Waxa uu caawiyaa in kalastaroolka xun dhiigga laga soo wada saaro oo la keeno beerka si uu beerkuna u burburiyo. Sidaa awgeed in kor loo qaado xaddiga kalastaroolka wanaagsan ee jidhka ku jiraa waa arrin aad u muhiim ah si looga hortago cudurrada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga.

Waxaa jira siyaabo badan oo la hubiyey in ay faa’ido fiican u leeyihiin yaraynta kalastaroolka aan fiicnayn, iyo kor u qaadista Kalastaroolka wanaagsan, waxaana ugu horreeya in qofku uu maro nidaam cunto qaadasho oo caafimaad qaba, in uu jimicsi sameeyo, in uu miisaanka saayidka ah iska rido iyo in uu sigaar nuugista faraha ka qaado.

Qormadan ay baahisay shabakadda wararka ee Al-Caarabiya oo Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay in khubarada caafimaadku ay ku talinayaan intii suurtogal ah in laga fogaado cuntooyinka leh dufanka ana caafimaadka u fiicnayn, oo sii xumeeya xaaladda caafimaad ee qofka, maadaama oo dufanka fiican ay hoos u dhigaan, dufanka xunna kor u qaadaan.

Xeeldheerayaal ay warbixintani soo xigatay ayaa sheegaya in kalluunkaoo aad loo cunaa ay tahay wax yaabaha si la hubo kor ugu qaada heerka Kalastaroolka fiican ee jidhka ku jira. Kalluunku waxa uu hodan ku yahay Omega-3 iyo Omega-6 oo labaduba kor u qaada Kalasataroolka wanaagsan.

Ugu dambaytii daraasaddu waxa ay u bishaaraysay dadka jecel Shaglaydhka cunistiisa, waxa aanay sheegtay in cunistiisu ay kor u qaaddo kalastaroolka fiican, waxaa iyaguna la mid ah lawska, Boorashka iyo Fuul Suudaaniga, sidoo kale cinabka ayaa kor u qaada Kalastaroolka fiican, isla markaana yareeya dhiigkarka.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu sheegeen in qofka oo maalintii lix jeer oo cunto aan badnayn ah cunaa ay ka fiican tahay isaga oo saddex waqti uun cunto  culus qaata, gaar ahaana cuntada yar ee waqtiyada loo dhexeysiinayaa ay hoos u dhigto kalastaroolka dhibta keena, ka fiicanna kor u qaaddo. Waxaa iyaduna muhiim ah in illaa xad la iska yareeyo cunista hilibka xoolaha oo si weyn u kordhiya kalastaroolka aan fiicnayn.