Agaasimaha Facebook Oo Ka Baqaya In La Basaaso Ayaa Daboolay Kamarada Iyo Sameecadda Laptop Kiisa

0
605

1Washington (Geeska)- Sawirrada agaasimaha iyo aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sawirro uu leeyahay oo ay shirkaddu dhowaan faafisay isaga oo ku gudo jira hawlmaalmeedkiisa xarunta shirkadda waxaa laga arkay sawirro muujinaya in kombyiuutarkiisa shaqada oo ah Laptop nooca loo yaqaanno MacBook ah uu xabag ku daboolay isha muraayadda ee dusha sare kaga soo jeedda iyo sameecadda dhinac ku taalla labadaba.

Sawirkan oo noqday mid xiise leh oo doodo iyo faallooyin badan abuuray ayaa laga dhaahanaya sida uu Mark Zuckerberg uga cabsi qabo in isaga oo aan ogeyn si qarsoodi ah meel fog looga soo galo kombiyuutarkiisa, oo ay basaasaan qolyaha budhcadda internet ku.

Sawirkan oo la faafiyey 21kii bishan aynu ku jirno ayaa muujinaya sida uu Mark Zuckerberg uga taxaddarayo in la jabsado Kombiyuutarkiisa oo kadibna isaga oo aan is ogeyn laga shaqaysiiyo kamaradda ama sameecadda si shakhsiyan isaga looga helo sawirro aanu jeclayn in ay faafaan ama codad sir u ahaa.

Sagaal bilood ka hor ayaa ay ahayd markii uu Mark Zuckerberg faafiyey sawirrada xafiiskiisa, waxaana markaasba sidan hadda oo kale looga dhex arkayey kombiyuutarkiisa gaarka ah oo kamaradda iyo sameecaddu daboolan yihiin, mana aha markii ugu horreysay ama labaad ee la ogaado in Mark uu sidan uga feejigan yahay ugana cabsi qabo in la basaaso.

Mark Zuckerberg uma baqo ambiga xogtiisa iyo sawirradiisa gaarka ah oo keliya, balse waxa uu sidoo kale si weyn u ilaaliyaa ammaankiisa shakhsiga ah, bishii Labaad ee sannadkan ayaa warbaahinta lagu arkay sawirro laga qaaday mar uu joogay dalka Jarmalka, waxa aana muuqday isaga oo shaaracyada Berlin dhex lugaynaya oo ay hareero socdaan ilaalo gaar ah oo aanay tiradoodu ka yarayn shan ruux. Caadi ahaanna aasaasaha Facebook waxa uu leeyahay ilaalo tiradoodu gaadhayso 16 oo sugta ammaanka naftiisa, xaaskiisa, inantiisa iyo guud ahaan gurigiisa oo ku yaalla California ee dalka Maraykanka. 

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu faafiyey wargeyska Daily Mail waxa uu intaas ku darayaa in Shikadda Facebook ayaa muddo shan sano gudaheed ah lacag dhan 16 Milyan oo doolar ku kharashgaraysay sugidda ammaanka aasaasaheeda, sannadkii 2015kana 5 Milyan oo doolar oo dheeraad ah ayaa ay ku bixisay ilaalada gaarka ah ee sugta ammaanka agaasimaheedan.