Madaxweyne Geele Oo Sheegay In Dalkiisu Sare U Kac Ka Sameeyay Horumarka Dhaqaalaha

0
562

Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Isniintii Todobaadkan sheegay in Dhaqaalaha Dalkiisa uu sare u kacay 6% Sanadkan, uuna rajeynayo in sannadaha soo socda uu intaas kasii kordho.

1

Geelle ayaa hadalkan ka sheegay munaasabaddii xuska 39-sano guuradii ka soo wareegtay Xorriyadda Jabuuti oo ku beegnayd 27-kii bishan Juun, Wuxuuna ku booriyay Shacabkiisa inay qaybtooda ka qaataan horumarka Jabuuti.

“Korodhkan dhaqaale kuma koobnaan doono hal meel oo keliya, ama laguma ekeyn doono meel qudha,” ayuu yidhi Geelle. Isagoo mar kale yidhi. “Xukuumada ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay inay xaqiijiso horumarrada ka jir dalka, si qof walba oo reer Jabuuti ah uu uga faa’iido Hormarkan, Gaar ahaan Dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, guriyeynta iyo dhammaan waxyaabaha ay bulshadeennu u baahan tahay.”

Sidoo kale, Geelle ayaa xusy in xukuumaddiisu ay wadi doonto sidii ay dalkeeda u gaadhsiin lahayd horumr, isla markaana ay gaadhsiin doonaan Gabi ahaan mashaariicda Horumarineed Gobollada Jabuuti oo dhan.

“Waxaan – Sidoo kale kordhinaynaa Tababarrida dhallinyardeenna si ay shaqo la’aanta iyo Faqriga ug baxaan,” ayuu intaas ku daray Madaxweyne Geelle oo Madaxweynaha Jabuuti loo doortay mar kale horraantii Sannadkan lagu jiro ee 2016-