Saddex Ka Mid Ah Khudradda Dalkeenna Laga Helo Cunistooda Joogtada Ahi Waxa Ay Dhintaa Miisaanka

0
705

Qaahira (Geeska)- Bulshooyinka dunida maantu rag iyo dumar diin iyo dhaqan kasta oo ay aaminsan yihiin arrimaha ay ka siman yihiin waxaa ka mid ah raadinta qaabdhismeed jidh oo qurxoon, sidaa awgeed qaar badan ayaa miciin bida, habab badan oo ay miisaanka kula dagaalamayaan jidhkoodana ku qurxinayaan, waxaa ka mid ah in ay is xammeeyaan, in ay cunaan dawooyinka amateedka cuntada dila, ama kuwa caawiya gubista dufanka, halka kuwo kalana ay sameeyaanba qalniinno ay jidhkooda ku qurxinayaan.

1

Haddaba Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xiganayo shabakadda Al-Carabiya waxa ay soo bandhigaysaa  noocyo khudradda ka mid ah oo qofka ka caawinaya in si dabiici ah miisaanku uga dhaco jidhkiisuna noqdo mid leh qaab-dhismeed qurxoon.

1. Tufaaxa: Xabbad tufaax ah oo aad si joogto ah maalin kasta u cuntaa waxa ay si weyn kaaga caawinaysaa in uu miisaanka saayidka ahi kaa dhaco, waayo midhaha tufaaxa waxaa ku jira biyo iyo gan ku filan in ay arrintaas xaqiijiyaan. Waxaa intaas dheer in uu Tufaaxu hodan ku yahay curiyeyaal nafaqo oo xoojiya caafimaadka jidhka.

2. Xabxabka: Khudraddan oo ka mid ah midhaha xagaagii soo go’aa waxa uu jidhka ka caawiyaa in uu ilaashado biyaha uu u baahan yahay, gaar ahaan xilliga xagaagii ee uu kulaylku badan yahay, sidoo kale waxa uu qofka ku beeraa dareen dhereg, waana hab fiican oo ka hortegi kara in qofku uu cunto badan cuno. In qofku si joogto ah xabxab u cunaa, waxa ay jidhka ka tirtirtaa sunta cuntada ka samaysanta eek u hadha habdhiska dheefshiidka, sidoo kalana waxa uu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ka mid tahay in uu kaalin ka qaato gubista xaydha iyo dufanka jidhka ku urura.

3. Saytuunnka: Faa’idooyinka muhiimka ah ee midhahan macaan waxaa ka mid ah in uu kaalin ka qaato nidaaminta shiidista cuntada, taas oo habsami u shaqaynteedu ay keento in uu miisaanku hoos u dhaco. Sidoo kale Saytuunku waxa uu hodan ku yahay Barootiinno iyo Faytamiinno kala duwan, sidaa awgeed marka uu qofku joogteeyo cunistiisa, waxa uu jidhku ka helaa caafimaad guud iyo curiyeyaal nafaqo oo aasaasi u ah caafimaadka, sidoo kalna waxa uu ka takhalusaa miisaanka dheeraadka ah.

Haddaba khubarada caafimaadku waxa ay kula talinayaan ruux kasta oo xiisaynaya in uu miisaanka dhimo, in uu khudradahan iyo kuwa la midka ah ku soo daro cunto maalmeedkiisa. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in aynu ogaanno in khudraddani ay xoojiso hab-dhiska difaac ee jidhka kana hortagto cudurro badan.