Saamaynta Xun Ee Musuqu Ku Yeelan Karo Tacliinta Dalkeena Mohamoud Dahir Omar (Ansaari)

0
807

Tacliintu waa xuquuq asaasiyaha oo uu muwaadinku leeyahay. Waana xooga dhaqaajisa dhaqaalaha iyo horumarka wadanka. Tacliintu waxay xoojisa sharafta shakhsiga ah, waxaanay qaabaysaa noloshada bulshada. Madaamo ay wadankeena miisaaniyada tacliinta ku baxdaa ay badan tahay ixtimaalka waxaa dhici karta inuu musuq ka dhaco bahda tacliinta ha ahaadaan qaar heer wasaaradeed ah , heer gobol ah ama heer jaamacadeed ha ahaadeene.

Qiimaha uu ku kaco musuqa nidaamka tacliinta ka dhacaa waa mid aad u badan oo aan laga soo waaqsan Karin. Musuq lagu sameeyo khayraadka tacliintu waxaa uu keeni karaa in iskuuladu buux dhaafaan ama iskuulo la waayaba. Buugaagta iyo qalabka tacliinta oo gabaabsi noqda taasi oo dhici karta in mararka qaar la iibiyo wixii loogu talo galay in bilaash lagu bixiyo. Waxaa kale oo Iyana dhici karta oo musuq noqonaysa in iskuulada iyo jaamacaduhu ardayda ka qaadaan  lacago aan sharci ahayn (unauthorized fees) taasi oo ku khasbi karta ardayda inay iskuulada ama jaamacadaha isaga tagaan oo ay saaqidaan. Musuqa la yaabka leh ee in badan wadankeena aafayn karaa waa qaab jira oo ah in macalimiinta iskuulada iyo barayaasha jaamacadaha lagu  keeno qaab xaafadeed ama reernimo iyadoon loo eegin heerkiisa waxbarasho iyo shaqadan  ma qaban karaa (qualification and professionality) waxaa kale oo dhici karta in a Grade-ka la iibsado markaa  waa masuuliyada dawlada inay isha ku hayso musuq ka dhici kara  nidaamka tacliinta  ha ahaado mid qalabka la xidhiidha ama mid maaliyadeeda la xidhiidhaba.

Run ahaantii way adag tahay inaan qiyaas sugan ku samayno  khasaaraha maaliyadeed ee uu dalkeena ku keeni karo musuqu; gaar ahaan marka aan eegno xaga tacliinta.

Bal hadda aan labo u kala saarno musuq wayn oo dhaqaale badan laga helo waa ka la xidhiidha xaga dhismayaasha cusub iyo musuqa toos dadka u taabanaya oo ah musuqa yar kaasi oo la xidhiidha sida ardyga oo laga qaado lacag aan sharci ahayn  marka iskuulka la qoraayo taasi oo saamaynta ugu balaadhan u gaysata dadka danyarta ah, iibinta buugaagta loogu talo galay ardayda in bilaash lagu siiyo, in la shaqaalaysiiyo macalimiin aan lahay xifadii macalinimo oo iga buuxi ah iyo in ay dhacdo musuq dhinaca grade-ka oo la xidhiidha dhinaca tacliinta (Academic Fraud).

 Wadankeena shaqaalaha tacliinta ka shaqeeya marka aad eegto aad ayay u badan yihiin waxaanay shaqaalaha dawlada ka noqonayaan kaalinta labaad miisaaniyada ku baxdaa waa ta labaad hadaanay noqon ta koowaad  waxaa kale oo iyana jirta  in lacagta loo qoondeeyey tacliintu badankeedu shaqaalaha ku baxdo.

Dalkan aan ku noolnahay ee Somaliland waa dal  tirada dadku ay korayso  waxaana lagu qiyaasaa 70% dadka dalkan ku nooli inay ka yaryihiin 25 jir  markaa waxaan u baahanahay oo inoo muhiim ah in la balaadhiyo tacliinta  hoose iyo sare islamarkaana xoolo badan la galiyo. Madamo ay tacliintu muhiim u tahay dalkeena iyo inay inaga xaliso caqabado badan oo ay ka mid tahay  korodhka caruurta iyo sidii ay tacliin iyo iskuulo ku filan u heli lahaayeen waxaa aad u helis ah in musuq saameeyo tacliinta wadankeena. Haddii uu musuq galo nidaamka tacliimiga waxay halis ku tahay dalkeena oo  faqiir ah  oo miisaniyadiisu ay u dhaxayso $200-$300 million waa marka lagu daro caawimada la ina siiyo.

Tacliinta sare tiknoolajiyada casriga ah iyo tartanka iskuulada ka dhexeeya ayaa sababi kara in musuq uu dhaco taasi oo ku iman karta habab badan sida in imtixaankii la qisho  taasi oo Iyana sababi karta in arday aan  lahayn tacliintii laga rabay uu qaato shahaado cadeynaysa inuu bartay waxa ugu qoran meesha.

Musuq ku dhaca nidaamka tacliintu waxaa uu lumin karaa kalsoonida muwaadiniinta ee heer degmo, heer gobol  ilaa heer qaran iyo waliba inay ka qayb qaataan  horumarinta tacliinta. Meel ka mid ah meelaha musuqa ugu xuni ka dhici karo waa jaamacadahan aan lagu aasaasin qorshe heer qaran oo maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya iyadoo u jeedada waxbarasho ee qaranku uu ka gaadhi karo jaamacadahan gaarka loo leeyahay ee aan tayadoodu fiicnay ay tahay mid hoosaysa. Jaamacadaha gaarka loo leeyahay waxay u muuqdaan inay yihiin hanaan ganacsi oo ka faa’iideysanya baahida waxbarasho ee dalka ka jirta.

Musuq ku dhaca habka tacliinta wadankeenu waxaa uu dhaawici karaa sharafta wadanka waxaanu naanays xun ku noqon karaa shahaadada aan bixino heerka ay doontaba ha ahaato. Tacliinta oo musuq inaga galo waxay hoos u dhigaysaa maqaamka iyo qiimaha tacliinta dalkeena waxaanay shaki galin kartaa kalsooni lagu qabo tayada nidaamka tacliinta ee dalkeena. Bal hadda ka waran marka caruurtii iskuulada dhiganaysay, kuwii jaamacadaha ka baxayay ay ku garaadsadaan tacliintii oo musuq ku jiro oo ay arkaa qofkii oo aan wuxuu shaqaystay iyo dadaalkiisa wax ku helayn  balse musuq iyo khiyaano wax ku helaya muxuu is odhanayaa ?

Dhaqanka xun  ee musuqu waxaa uu u gudbi karaa jiil ka jiil bulshadeena  markaa musuqu oo imikaba ififaalihiisu muuqdaa waxaa uu noqon karaa mid ay u qaataan dhalintu mid iska caadi ah taasi oo dhabar jab ku ah qaranka islamarkaana meel fog ku tuuraysa rajada ah  in loo sinaado fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee dalka.

 Talo waxaan ku soo jeedin lahaa in ahdaaft  iyo shurucda waxbarasho ee dhinaca maaliyada waxbarashada iyo maamulka la adkeeyo. Taaso oo diirada lagu saarayo inay jaan goyso xagee ayaa iskuul u baahan ee laga dhisaya, macalin nooce  ah ayaa loo qaadanayaa, imtixaan noocee ah ayaa isticmaalnaa si loo yareeyo musuqa iyo qishka  dhamaan talooyinkani waxay u baahan yihiin in looga tashado heer qaran.

Waa in la buuro nidaam hanti dhow oo tacliinta u gaar ah taasi oo lagula dagaalamayo musuqa islamarkaana talaabo cad laga qaadaa kuwa lagu eedeeyo musuq.

Awooda aqooneed ee dadka maamulaya goobaha tacliinta waa in la xoojiyo iyadoo lagu wacyi galinayo xeerarka musuqa uga yaala dalka.

Warbaahinta dalka ayaa  Iyana qayb laxaadleh ka qaadan kara halista musuqa tacliintu ku keeni karo dalkeen iyagoo laga qayb galinayo ololaha ka hortaga musuqa tacliinta si looga hortago musuq ka dhaca goobaha tacliinta. Xafiiska imtixaanaadka oo dadaalaya ayaa isna ay tahay in la xoojiyo oo lagu garab joogsado inuu la dagaalamo musuqa tacliinta si loo hubiyo ardayga imtixaanka u fadhiisanaya, loogana hortago musuq ka dhaca gudaha fasalka.

Mohamoud Dahir Omar  (Ansaari)

Falanqeeya Arimaha Tacliinta

Tell; 0634423327