Guddiga Joogtada Wakiilada Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Wershadaha Biyaha Iyo Sharaabka

0
432

Hargeysa (Geeska)-Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada ayaa kulan gaar  ah oo albaabadu u xidhan yihiin shalay la yeeshay Shirkadaha Sharaabka iyo Biyaha ee Caasimadda, oo iyagu shaqo joojin sameeyey, kadib markii Dawladda hoose Hargeysa cashuurtii ku kordhisay.

wwwwwwwww

Haddaba shirkan ay wada yeesheen Guddida Joogta ee Wakiiladu iyo Shirkaduhu oo muddo saacado ah qaatay oo aan warbaahinta loo ogelayn, ayaa markii uu Shirkani dhammaaday waxa si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay Guddoomiyaha Guddida joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, iyo Guddoomiyaha Warshadlayda Maxamed Sheekh Cumar,  uguna horeyn Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,oo ka hadlay nuxurka kulankan ayaa yidhi “Waxaanu ka wada hadalnay cabashadaas tacriifada ee Maayarka Dawladda hoose Hargeysi ku kordhiyey Ganacsatada Warshadaha Sharaabka iyo Biyaha, cabashadooda iyadoo qoraal ahna wey noo soo gudbiyeen, iyadoo af ahna wey noo sharaxeen weyna noo faah faahiyeen, Guddiduna go’aamo ayey ka soo saari doonta weyna iska arki doontaa, sida ugu dhakhsaha badana waxaanu kula kulmi doonaa Duqa Magaalada Hargeysa, isaga oo aanu dhankiisana ka dhagaysan doono waxa uu ku keenay iyo xeerarka uu u cuskaday tacriifadaha uu soo saaray”.

Guddoomiyaha Warshadlayda Somaliland Maxamed Sheekh Cumar oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu kulan la yeelanay Guddida joogta ah ee Barlamaanka, sababta oo ah waxa lagu soo saaray sharci aan ku jirin shuruucda Somaliland, dabadeed si aanu u ogaano in waxani jiro iyo in aanu jirin iyo yaa xeer dejin ah ayuu kulankaygani ujeedadiisu ahaa, maxa yeelay haddii nin walba wax soo saaro wadanku fowdu noqonayaa, Maayarku wuxuu yidhi aniga ayaa Golaha fadhiisiyey, aniga soo saaray, marna wuxuu yidhi Guddi bilic ayaa ii soo saartay, marna wuxuu yidhi Wasaaradda Dakhliga, markaas waxaanu weydiinaynay Wasaaradda dakhligu iyagoo bilaa barlamaan ah may sameeyn karaan, maya ayey nagu yidhaahdeen, wax walba xadigii loogu talagalay waxa ansixin kara Barlamaanka Hay’adda sharci dejinta, markaas anagu intaas ayaanu halkan u nimid, ilaa imika waa dhawr iyo toban cisho baabuurtii wey xaniban yihiin, markaas may ahayn dadku in dadkii ay soo doorteen xidh xidhaan”.

Dhanka kale waxa uu sheegay in aanay marnaba yeelaynin in sharci bilaa xeer  ah oo aanay ansixin kana soo bixin Golaha Wakiilada in aanay marnaba qaadan doonin, una hogaansami doonin, waxa kale oo sheegay in sababta loo joojiyey soo saaristii biyaha iyo sharaabka aanay warshaduhu sabab u ahayn ee ay Dawladda hoose Hargeysi sabab u tahay, isaga oo sheegay in sharci bilaa xeer ah ay jeebkooda ka sameeysteen.

Dhanka kale Axmed Maxamed Xasan oo ah Maareeyaha warshadlayda oo isna halkaas ka hadlay ayaa cadaalad daro iyo sharci daro ku tilmaamay tacriifada lagu kordhiyey, waxaanu xusay in nidaamkii saxda ahaa aan loo marin, ee Golaha Deegaanka Hargeysa uu nidaam sharciga baalmarsan oo aan suurtagal ahayn u maray, waxaanu tilmaamay in aanay marnaba u hogaansami doonin wax sharciga ka hor imanaya, isaga oo sheegay sababta ay ula kulmeen Guddida joogta ah ee Golaha Wakiiladu uu yahay ay tahay inay mar walba iyagu aanay ka hor iman sharciga iyo shuruucda dalka u yaala.