Madaxweyne Madaxaaga Ma Taaban Karaa?! Qiso Xiiise badan oo muujinaysa raadka midab- takoorku kaga tago qalbiga… Kamaal A. Cali (Q.2)

0
737

1Midab takoor:

Madaxweyne Barak Obama markii uu ahaa murashaxa madaxweyne iyo intii dambe ee uu madaxweynaha ahaa waxa uu si aad ah isaga ilaaliyey ka doodista, falanqaynta iyo ka hadalka arrimaha la xidhiidha midabka iyo isirka muwaadiniinta Maraykanka qaybiya, marka laga reebo marar dhif ah oo sida muuqata ay duruuf markaa taagani ku qasabtay in uu ka hadlo ama xilkiisu ku waajibinayey, tusaale ahaanba waa markii uu sida adag ugu jawaabay baadariga Jeremiah Wright oo ah wadaadka maamulayey kaniisaddii uu Obama ka tirsanaan jiray, xilligaas oo uu wadaadku yidhi, hadallo cunsuriyad ah, iyo tusaalaha labaad oo ah, toogashadii foosha xumayd ee wiil da’yar oo madow ah oo aan hubaysnayn ay booliiska Maraykanku ku dileen gobalka Florida.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha madowga ah ee dalka Maraykanka ayaa xilligaas madaxweyne Obama ku dhalleeceeyey in aanu si toos ah uga hadlin duruufaha iyo mushkiladaha u gaarka ah dhalinyarada madowga ah iyo in aanu keenin siyaasado ku habboon oo xaaladdooda wax lagaga qabanayo. Labadaa jeer iyo marar dhif ah oo kale ayaa uu Obama ka hadlay wax si uun xidhiidh ula yeelan kara madowga ama guud ahaan cunsuriyadda Maraykanka gudihiisa ka jirta, waxaana laga yaabaa in ay tahay ujeeddo siyaasadeed oo uu doonayey in uu dadka caddaanka ah ee tirada badan tuso in uu isagu yahay madaxweynaha Maraykanka oo dhan si uu kalsoonidooda u helo.

Si kastaba ha ahaato ee sawirkani waxa marag la taaban karo u yahay arrin horeba loogu ogaaday rayi ururinno kala duwan oo muujinaya in Barak Obama uu weli yahay halyeeyga xiddigga u ah dadka madowga ah, taageero aad u xoogganna ay u hayaan.

Jacob Philadelphia oo ka soo jeeda gobalka Columbia ee dalka Maraykanku, waxa uu sawirkan ka muuqdaa afar sano ka hor oo ahayd sannadkii 2012ka, aabihii Philadelphia oo hore uga tirsanaan jiray cidamada badda ee dalka Maraykanka ayaa uu madaxweynuhu ku qaabilay guriga cad, si uu u sii sagootiyo isaga iyo qoyskiisa, maadaama oo ay ka dhammaatay shaqadii Guriga Cad, oo uu tan iyo xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush ka mid ahaa Golaha Amniga Qaranka.

Sida in badanba dhacda Philadelphia waxa uu madaxweyne Obama ka cosaday in isaga iyo qoysku ay la galaan sawir xusuuseed ay isaga iyo qoyskiisuba ku xusaan waayihii uu ka hawlgelayey Guriga Cad ee Maraykanka.

Haddaba, markii sawirkii xusuusta ahaa la qaaday ee qoysku isu diyaariyey in uu tago, ayaa inta uu soo yara istaagay Mr. Philadelphia waxa uu Madaxweyne Obama gaadhsiiyey farriin uu u dhiibay wiilkiisa yar ee la socday oo codsaday in madaxweynaha uu su’aal weydiiyo. Waraysiyo laga qaaday Philadelphia iyo afadiisa Roseanne ayaa labaduba ay ku sheegeen in aanay haba yaraato ee waxba ka ogeyn waxa uu wiilkoodu doonayo in uu weydiiyo madaxweynaha. Waxa ay muujiyeen in dalabka wiilku xitaa ku noqotay amakaag, sidoo kale Pete Souza oo ah sawirqaadaha gaarka ah ee Guriga Cad ayaa sheegay in dalabka wiilkan yari uu lama filaan ku noqday. 

Markii madaxweynuhu aqbalay dalabka wiilkan yari soo mariyey aabihii ee ah in uu wax weydiinayo ayaa uu wiilkii yaraa ee Jackob yidhi, “Waxa aan doonayaa in aad ii sheegto, bal in timahayga iyo kuwaagu isku mid yihiin?” Madaxweyne Obama ayaa si aad u deggen wiilki yaraa uga codsaday bal in uu mar labaad ku soo celiyo dalabkiisa. Wiilkii yaraa ee Jacob isna ma’ uu waaban ee waxa uu ku celiyey isla codsigiisii hore oo uu Madaxweyne Barak Obama kaga jawaabay, “Ka warran haddii aad imika aad taabato timahayga iyo kuwaagaba kadibna adigu bal aragto in ay isku mid yihiin iyo in kale?” inta markii uu Obama yidhi, ayaa uu si aad ah u soo foorarsaday si uu madaxiisa u keeno meel uu wiilka yari ka soo gaadhi karo.

Wiilka yar oo sida muuqata marka hore doonayey in uu jawaabta hadal ahaan uun uga helo afka madaxweyne Obama ayaa bilowgii hore yara keer-keeray oo ku dhici waayey in uu gacanta saaro madaxa Obama, laakiin Obama oo weli foorara ayaa ku dhiirrigeliyey, “Taabo, nin yahoow!” Jacob ayaa dhiirraday oo gacanta u kala bixiyey in uu taabto timaha madaxweynaha, markii uu gacantiisa dul mariyey ayaa ay hooyadii naxdin iyo jidhidhico dib u guratay.

Madaxweyne Obama ayaa wiilka yar weydiiyey, “Bal haddaba ka warran, maxay kula tahay?”

“Haa, waa isku mid” ayaa uu ku jawaabay Jacob.

Macnayaasha badan ee uu sawirkani bixinayo waxaa ka mid ah, dhibirsanaanta iyo fahamka madaxweyne Obama ee dhinaca carruurta iyo sida uu u yahay aabo fiican, dad badanina kala soo bixi karaan in uu yahay hoggaamiye fiican. Dalal dunida ka mid ah qaarkood, qofka ku nooli waxa uu ka dheehan karaa sida kalsoonida leh ee uu wiilkan 3 jirka ahi ugu dhiirriaday la hadalka iyo weliba taabashada madaxweynaha iyaga oo og in iyaga aanay uba suurtogeli karin in ay arkaan, waxase intaasba ka sii macno fog oo maqaalkani daaran yahay dareenka xanuunka badan ee uu wiilkani ka turjumayo oo ah saamaynta ay yasiddu ku yeelato maskaxda aadamaha iyo dareenka ay dad badan oo madowga Maraykanka ahi qabaan ee ah in aan laga jeclayn dalkooda, sidaa awgeed ay ku adag tahay in ay meel sare ka gaadhaan taladiisa.”Waxa ay u muuqataa in wiilkan yari uu niyadda iska lahaa, ‘Alla, illeen aniga oo kale ayuun baa aad tahay.’” Sidaa waxaa yidhi David Axelrod oo muddo dheer la taliye u ahaa Obama, mar uu ka faalloonayey sawirkan. isaga oo cabbiraya suurtogalnimada isbeddel ku dhaca fahamka marka hore ilmahani haystay oo sida muuqata ahaa in ruux sidiisa madow ahi aanu halkan iman karin, taas oo ay u dhowdahay in ay ka dhalatay cadaadiska, faquuqa iyo weliba fogeynta dadka Madow ee Maraykan ay ku qabaan dalkooda, waxa aanu David Axelrod hadalkiisan ku yidhi, “Waa la malayn karaa, in wiilkan yari uu markaas ku fikirayey, in maadaama oo nin ay isku midab iyo timo yihiin Maraykan hoggaamiyey ay suurtogal tahay in uu isaguna halkaas gaadhi karo”

Philadelphia oo imika ka shaqeeya safaaradda Maraykanka ee Afgaanistaan ayaa yidhi, “Ilmaha madowga ah waa u muhiim in uu arko nin madow oo madaxweyne ka noqday Maryakanka. Waa aad rumaysan kartaa in xil kasta gaadhistiisu ay suurtogal tahay, marka aad aragto qof madow oo kalaba hortaa gaadhay” Ugu dambayntii Jacob hadda waa 9 jir, waxa aanu sheegaa in uu doonayo in uu madaxweyne noqdo. Taas oo la odhan karo waa han iyo hiigsi uu ku beeray kulankii madaxweynihiisa uu la yeeshay. Dhammaad.