Ramadaantan Ayaa Ugu Dambaysa Bil Soon Oo Xilliga Xagaaga Gasha, Muddo 25 Sano Ah Oo Dambe

0
608

1Riyaad (Geeska)- Sida lagu ogaaday cilmi-falagga iyo tirsiyada taariikhda milaadiga ah, Sagaalka sano ee soo socda oo ah inta u dhexeysa sannadaha 2017 illaa 2025ka ay bisha Ramadaan ku soo beegmi doonto xilliga gu’ga. Kadib waxaa xigi doona 8 sano oo ay bisha barakaysan ee Ramadaan ku beegsi doonto xilliga Jiilaalka, kadib wawxaa axigi doona 8 sano oo dambe oo ay Ramadaan ku beegmi doonto xilliga deyrta, taas oo macnaheeda dhowi yahay in 25 sano kadib uun ay Ramadaan mar kale ku soo noqon doonto xilliga ay hadda gashay ee xagaaga.

Shabakado internet ka ah oo ka faallooda arrimaha falagga iyo xiddigaha oo uu Geeska Afrika helay ayaa intaas ku sii daraya in sidiisaba xilliga Xagaagu uu bilaabanayo 21ka Juun 2016 kuna beegan16kiiBishan Ramadaan 1437kii, waa aana saddex bilood oo ku dhammaata 21ka September 2016.

Warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Riyaad eek a soo baxa dalka Sucuudigu waxa uu intaas ku darayaa in bilaha dayaxu waxa ay isla beddelaan cimilada iyo xilliyada kala duwan ee sannadkan, sidaas awgeed bisha ramadaan iyo guud ahaan bilaha Hijriyada waxaa ay soo maraan dhammaan bilaha sannadka Miilaadiga ah, waxaana la filayaa in 33 sano kadib ay mar kale ku soo noqonayso bilaha xagaaga.