Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka Oo Sheegay In Saddaam Xuseen Laga Tuuro Madaxweynenimada Suuriya

0
520

1Washington (Geeska)- Madaxweyne-ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa xilli uu doonayey in uu ka hadlo madaxweynaha dalka Suuriya ee Bashaar Al-Asad waxa uu ku qalday madaxweynihii la dilay ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen.

War uu Geeska Afrika turjumay oo uu Joe Biden uu salaasadii 21ka Juun siiyey talefishanka CBS ee dalka Maraykanka ayaa isaga oo ku baaqaya in la beddelo dawladda dalka Suuriya ka Talisa, waxa uu yidhi, “Waxa aanu wadnaa dadaalkii aanu dunida kala shaqaynaynay sidii xal siyaasi ah loogu heli lahaa arrinta Suuriya, taas oo ujeedadeedu tahay in Saddaam Xuseen laga casilo madaxweynenimada dalkan”

In kasta oo markii la saxay Joe Biden uu sheegay in ay tahay halmaam, sideedabana aanu halmaamku hadalka ku jirin, yahayna wax si caadiya dadka uga dhaca, haddana arrintani waxa ay noqotay boog warbaahinta Maraykanka iyo duniduba ku calaamadiso madaxweyne ku xigeenka Maraykanka. Faallooyin kala duwan ayaa laga bixiyey, dadka arrimaha siyaasadda falanqeeyaana siyaabo kala duwan ayaa ay u fasireen hadalkan.

Xaaladda nafsiga ah ee Joe Biden uu ku jiro oo ka dhalatay dhimashadii uu dhowaan wiilkiisu u dhintay cudurka Kansarka ayaa ka mid ah, talada iyo xog-ogaal noqoshadii looga baahnaa oo uu ka durugsan yahayna waa lagu sheegay.