Wershadaha Biyaha Iyo Sharaabka Ee Somaliland Oo Joojiyay Shaqadii Wax Soo Saar, Ka Dib Cashuur Lagu Kordhiyay

0
493

Hargeysa(Geeska)-Dhammaan wershadaha biyaha iyo sharaabka ee Somaliland ayaa si rasmi ah shalay iyo xalay u joojiyay biyaha iyo sharaabka ay soo saaraan.

1

Ururka wershadlayda ayaa talaabadan qaaday ka dib markii ay ka gadoodeen cashuur ay dawladda Hoose ee Hargeysa ku soo rogtay oo ay iyaguna ku tilmaameen cashuur culus oo aanay xamili karin.

Wershadahan biyaha iyo sharaabka oo ku kala yaala Hargeysa, Borama, Berbera iyo Burco, ayaa si rasmi ah ugu dhaqaaqay talaabadan si ay u muujiyaan inaanay xamili karin cashuurtaas, waxaanay wershadlaydu sheegeen inay go’aan ku gaadheen inay xidhaan wershadaha islamarkaana ay fasaxaan shaqaalaha ka shaqeeya wershadaha soo saara biyaha iyo sharaabka.

Ururka wershadlayda ayaa shirjaraa’id oo ay qabteen doraad waxay ku sheegeen in markii hore ay dawladda Hoose ee Hargeysa baabuurka sida biyaha ama sharaabka ka qaadi jirtay lacag dhan 32000 (Laba iyo sodon kun oo Somaliland shilling ah), halka imika lagu soo rogay inay bixiyaan lacag ku dhow afar malyan iyo badh shilling Somaliland ah.

Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in cashuurtani tahay mid ay lagu ansixiyay shir ay yeesheen guddiga bilicda Hargeysa islamarkaana ay ansixiyeen golaha deegaanka Hargeysa.

Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Hargeysa laga dareemayay khilaafka u dhexeeya wershadaha iyo dawladda hoose ee Hargeysa oo meel xaasaasi ah gaadhay.

Dawladda Somaliland ayaan weli ka hadal talaabadan ay wershaduhu qaadeen oo saamayn dhaqaale iyo mid kaleba ku yeelanaysa dalka.