Ciyaar yahanada Reer Somaliland Ee Ku Sugan Abkhazia Oo Lagu marti qaaday inay dhoolatus cirka ah ka qayb galaan, Kuna Soo Bandhigay Arrin Cajiib Badan.

0
802

facebook_1465063196375Ciyaaryahanada Somaliland iyo masuuliyiintooda ayaa Bandhig la yaab leh kusoo bandhigay wadanka ay joogaan ee Abkhazia, waxaanay cirka kala soo degeen Calanka Jamhuuriyada Somaliland iyagoo baarashuut ku duulaya, xili ay ku gudo jiraan safarkooda soo guryo noqoshada ah.

Xiddigaha sanadkan Xulka qarankeena metelayay ee ka qayb galay tartanka koobka aduunka wadamada aan la aqoonsanayn ee Conifa 2016 , ayaa lagu marti qaaday inay dhoolatus cirka ah ka qayb galaan, waxaanay hawada sare ka soo degayeen iyagoo sita calanka jamhuuriyada Somaliland ee midabada Saddexda ah , xidigta iyo Tawxiidku astaanta u yahay.

 

Somaliland, waxay ku hadhay heerka Group ka , ama hormaynta, waxaanay la soo guryo noqonayaan iyagoo sida halyeyada loogu soo dhaweynayo dalkooda hooyo caasimadiisa Hargeysa, shacabkiina sugi la’yahay.

Hadaba daawo, sawirada qaar kamid ah ciyaaryahanada Somaliland oo callankoodii huwan, kuwaas oo dul sabaynaya wadanka Marti galiyey ee Abkhazia

facebook_1465063196375 facebook_1465063468858 facebook_1465063490007 facebook_1465063552099