“Madaxtooyada Somaliland U Suurto Gali Mayso Inay Foore Ka Daba Geyso Haatuf Oo Xaqdarro Ku Xidhan” Aqoonyahan Axmed Ismacil Cabdi

0
607

dddddAqoonyahan Ahmed Ismail Abdi ayaa Xukuumada Somaliland ugu baaqay inay si deg deg ah xorriyadiisa ugu soo celiso Gudoomiyihii Wargeysa Foore Cabdirashiid Sheikh Cabdiwahaab Sheikh Ibrahim oo Ciidamada Sirdoonka Somalilad waaran la,aan uga qabteen Magaalada Hargeysa. Gudoomiyaha ayaa maalintii afraad ku jira gacanta sirdoonka, iyada oo aan wax waaran maxkamadeed ah loo jarin.

“Dawladnimada sharciga ayaa lagu yahay, hadii xukuumadu sharciga ilaalin waydo shacabkuna ilaalin maayaan. Waxa qaranka ceeb ku ah in suuqyada magaalada lagu u gaadhsado suxufiyiin iyo salaadiin aan wax sharci ah loo haysan in laqabto. Waxyaabaha sumcada Somaliland hoos udhiga ayay ku jirtaa in maalin walba Saxaafada ay kusoo baxdo dad sifo sharci daro ah loo xidh xidho, hadana maalmo dabadeed waxba marka lagu waayo lasii daayo” ayuu yidhi  Ahmed Ismail Abdi.

“Waxa wali xidhan Wargeyskii weynaa ee Haatuf oo sabab sharci oo uu u xidhan yahay aanay jirin, balse doonista dad gaar ah u xidhan. Mar kale ayay Madaxtooyadu diyaarisay inay xidho Wargeys kale oo Foore ah oo ay u aragto in aanay si kale gacanta ugu dhigi Karin. Waxa dabada ka riixaya Madaxtooya

Balse U Suurtogali mayso!”

Mar uu ka hadlayay sababta lagu xidhay Gudoomiyaha Wargeysa Foore waxa uu yidhi “ Madaxtooyadu waxay ka cadhootey warar Jaraaidka kusoo baxay, xaqna Saxaafadu way u leedahay inay qorto wixii ay warar hesho, hadii Xukuumadu dhibsato warkaas waxa u furan inay maxkamada dacwad ka furato, balse waxa ka reeban inay sharciga gacanteeda ku qaadato oo sidii budhcada dadka dariiqyada ku qabsato iyadoon ogolaansho maxkamadeed sidan sida sharcigu dhigayo ee

Gudoomiyaha Maxkamada Sare na go,aanka kasoo saarey. Waxaanan Gudoomiyaha Maxkamada Sare ugu baaqaynaa inuu fuliyo go’aankiisii ama shacbiga u sheego cidda hortaagan fulinta go’aamada kasoo baxay Maxkamada sare